(Translated by Ali Yare)
February 28, 2014

Ilaa 9 jirkeyggii sannadkii 1984 oon cunaga yar ahaa, oon ku noolaa magaalada Calgary ee gobolka Alberta, Itoobiya meel gaar ah ayey wadnahayga kaga taalay. Xiisaha aan u qabo Itoobiya wuxuu si dhab ah u bilowday markaan arkay muuqaalo laga soo qaaday shaqsiyaad macaluul ka muuqato oo la kuhsanayo.

Waxaan ooyayey maalmo dhan ilaa Walwal (Depression) igu dhaco. Waxaan nafteyda waydiiyey sida dhaqsaha leh ee aadamuhu inagoo eegayna ay u dhiman karaan gaar ahaan marka dhibku yahay mid ay aadanuhu sameeyeen. Waxaan si deg deg uga dhaadhiciyey iskuulkaygii inay caawiyaan dadkaas tabaalaysan, halkaas oo ay bilaabeen inay lacag ugu yaboohaan, sidoo kale waxay waalidkay hayadaha samafalka u geeyeen deeq hagar la’aan ah si ummaddaa gaajada u baaba’aysa loo badbaadiyo.

Wakhtigaas iyada ah ma filaynin in Itoobiya wax saameyn ah igu yeelan doonto nolol ahaan iyo xirfad ahaanba. Laakiin wixii aan TVga ku arkay, wuxuu kalifay inaan horumarinta caalamiga ah jaamacada ka barto, kuna shaqeeyo sannado, halkaas oon inta badan u shaqayn jirey hayado aan dowli ahayn oo wadamado Asia ah ka hawl gala. Hase yeeshe Itoobiya waxay markasta ahayd jacalkeyga kobaad. Muddo dheer ayaan Itoobiya ku taamayey inaan booqdo si aan taakriikhda dhabta ah ee wadanka iyo dhaqankiisa gaarka ah u soo barto.

Itoobiyaanka aan la kulmaa waxay had iyo jeer iiga sheekayn jireen taariikhda lagu faani karo ee dalkooda iyo in dalkoodu yahay dalka kaliya een qaarada Africa la gumeysan taasina way i qalbi qaaday. Waxan jeclaaday cuntada Itoobiyaanka, kafeega iska daa hadalkiisa, markasta oon Toronto safar ku imaadana meelaha aan booqan waxa ku jiri jirey dhamaan makhaayadaha Itoobiyaanka ah ee caasimada dhaqamada kala duwan ee Toronto ku yaala. Saaxiibadayda aan Itoobiyaanka ahayn waxay had iyo goor ka caban jireen sida ay ii soo jiidatey wadankan faqiirka ah ee mashaqaysan, iyagoo leh “Waxad ku celcelinaysaa waxay saaxiibadaada Itoobiyaanka ahi kuu sheegaan ee u sheeg in waxa aan TVga ka arkaynaa ay yihiin propagando hayadaha samafalka lacag loogu uruurinayo”

Saddex todobaad ka hor ayaan booqasho bil ah aniga iyo caruurteydu Itoobiya ku tagney. Waxan weli xusuustaa, markii aanu Bole International Airport ku soo dhawaanay ayaan dariisha fiiriyey mise waa dhul wada cagaar ah. Waxan is weydiiyey sababta keentey in dhulkan sidan cagaarka u ah macaluul loogu dhamaado.

Sidaaddii diyaaradayaddii u caga dhigatayba, waanu deganay, waxanan meeshii kula kulanay dad itoobiyaan ah oo sacuudi Carabiya laga soo celiyey ahna kuwo ay ka muuqato murugo iyo wareer aad ah. Siday u noqon karaan kuwo dacdaro iyo cabsiyi ka muuqato ku soo laabashada dalkooddii dartii iyaga oo weliba ka yimid axmuqnimada dunida Carabta? Malaha waxay ogyihiin wax aanan ogayn maadaama uu kani ahaa safarkaygii ugu horeeyey een dawladan bariga Africa ku taala ku tago.

Saf dheer oonu fiiso u galay ka dib waxaanu ka baxnay Bole airport. Isla markiiba waxaan fahmay in Itoobiya ay tahay meel waxkastaa ku dhisan yihiin hab isku dhoobaysan oon laga lug bixi Karin haddii aadan ahayn kuwa mudnaanta gaar ah la siiyo sida Shiinaha iyo dadka cadaanka ah sida aniga oo kale. Meelkasta waxad ku arkaysaa dhismayaal cusub oo la dhisayo mida kale waxaa adag inaad six or ah jidadka u lugayso waayo markaad dhaqaaq istidhaahdaba waxaa isku kaa wareejin dad dawarsanaya ama tuugsanaya. Sidoo kale waxaad arkaysaa booliska fadaraalka oo si gaar ah kuu ilaalinaya eegayana meelaha aad tagayso xitaa waxan arkay kuwo aan wajiyadooda garanayo oo meelkasta oo aan aado ii raacaya.

Runtii aad bay ii dhibtay inaan wax saf ah u gali waayo meelaha xafiisyada dawlada oo dadku safaf dhaareer ku jiraan iyo dukaamada waawayn ee moolashah sababtoo ah goorkasta oon goobahaa booqdo waxa dhacda in askarta ama wardiyayaasha goobahaa ilaalinayaa ay ingiriis jajab ah igu yidhaahdaan “soo gal, soo gal ama soo dhaaf adigu” maxaa ku dhacay isla weynidii iyo dalkii aan la gumeysan? Sidan ayaan niyada iska weydiiyey.

Musqushu waa raaxo lugu sameeyey guryaha quruxda badan kuwaas oo loo sameeyey dadka lacagta leh kaliya. Addis Ababa ma laha musqulo dadweyne, wakhtigaa iyada ahna baarlamaanka itoobiya wuxuu ka doodayey lacagtii lagu ganaaxi lahaa qofka meel public ah ku kaaja. Sida dawladu sheegtay 15% kaliya ayaa 90 million ee Itoobiyanka ah awoodi kara musqul. Ma doqonimo ka badan baa jirta in dawladu ugu horentiiba musqulo dhisi waayaan? Mida kale in dadka faqiirka ah la yaso Itoobiya waa ka caadi ceebna ma aha. Waxan rajayn in Itoobiyanka awooda lihi ay ogaadaan in daryeelka dadka faqiirka ahi ay tahay astaanta lagu cabiro horumarka dal leeyahay ama umadi leedahay.

Markasta oon la kulmo kuwo ka mid ah dabaqada dhexe (Middle class), waxay ii sheegan in dawladoodu tahay dawlad aan iin lahayn oo dhamays tiran, waxayna isku dayaan inay i tus tusaan dahabka qaaliga ah ay xidhan yihiin iyo guryaha ay dhisteen si ay ii maqsuudiyaan iyaga oo dhinaca kale i siinaya khamrooyin qaali ah oo dibada laga keeney sidaa (Jake daniels Blue iyo Whisky) wakhtikasta oon guryahooda ku booqdo halka aan anigu jeclaa inaan cabo khamriga wadanka lagu sameeyo. Dabaqada dhexe ee dadka Itoobiyaanka ah badidoodu waa dad aad xaga aqoonta uga liita waxana intooda badani tacliinta ka helaan maxadyo india (long distance education) ku yaala ka dibna waxay shaqo ka bilaabaan hayadaha samafalka een dawliga ahayn.

Markay sheekadu siyaasad nala gasho waxay ii sheegaan inaan Itoobiya wax mucaarad ah lahayn marka laga reebo hal nin 447 xubnood ee aqalka baarlamaanku ka kooban yahay. Iyaga ahaan waxay aaminsan yihiin in dhamaan mucaaradka oo dhan xabsiga la dhigo mar haddiiba ay dawlada ka soo horjeesteen. Si dhab ah waxay u qabaan in mucaaradka hoygiisu noqdo xabsiga. Bal qiyaas Justin Trudeau oo xabsiga loo dhigay kaliya wax uu ka sheegay dawlada Canada balse aanay jeclaysan. Waxan la yaabanahay waxa dhici lahaa hadii ay ii suurto gali lahayd inaan la kulmo mucaaradka kaliya ee baarlamaanka Itoobiya laakiin waxaa la iiga digay inaan arintaa samaynin sabatoo ah Itoobiya ayaan jeclaan doonin talaabadan oo kale, waxaana suuro gal ah bay yidhaahdeen in nafteydu khatar gasho waayo waxkasta way ka suurowdaa magaalada Addis Ababa ee dunbuluqda ah.

Dariiqyada Addis Ababa waxaa buux dhaafiyey gabdho yar yar oo jidhkooda ka ganacsanaya kuwaas oo sawir buuxa ka bixinaya baahida iyo darxumada magaaladaa ka jirta. Marxalada gabdhan yar yari ku jiraan waa mid aan qofna rabin inuu ka hadlo. Tani ma Itoobiyaankii aan meesha fog ka fiirsan jireybaa ee shaqsi kasta oo Itoobiyaan ah oon la kulmaa ii amaani jirey. Runtii waxan dareemay qalbi jab iyo fahmo wareer taasina waxay igu kaliftey inaan booqashadayddii soo gaabiyo, go’aansadana inaan si degdeg ah Addis Ababa uga duulo raacana Ethiopian airline oo ah diyaarad dawladu leedahay. Ethiopian airline waa diyaarad meel dhexaad ah marka loo fiiriyo heerka caalamiga ah hadana dawlada Itoobiya aad bay ugu faantaa hase yeeshee guusha iyo horumarka ay Ethiopian airline samaysay waa mid weli doodi ka taagan tahay waayo tirada diyaaradaha iyo dakhligeeda midna xisaabtan madax banana laguma samaynin.

Maalin ka hor intii aanan ka bixin Ethiopia, wuxuu nin lagu magacaabo Aber oo kalkaaliye duuliye ah uu khadkeedii la lee xiyey diyaarad Itoobiya laga leeyahay. Ninka ayaa lagu eedeeyey inuu gabi ahaanba maamulkii diyaarada la wareegay ka dib markii ninkii duuliyaha ahaa musqusha aaday halkaas oo uu markiiba u weeciyey Geneva. Aber ayaa markuu ka degay Geneva nabad galyo siyaasadeed codsaday balse halkii nabad galyo siyaasadeed la siin laha la xidhay lagana yaabo in 20 sanno oo xadhig ah lagu xukumo.
Ethiopia waxay markiiba codsatey in ninkaa gacanta loo soo galiyo oo dib loogu soo celiyo, iyadoo sheegtey in ninkaasi xaga maskaxda wax ka qabo, balse Itoobiya hadalkaas way ka laabatey ka dib markii ay eedaymo badani caalamka kaga yimaadeen, lana su’aaley sababta qof dhimirka wax ka qaba loogu ogolaaday inuu diyaarad kiciyo. Mar Aber walaashii isku day inay sharaxaad ka bixiso xaalada walaalkeed isla markiiba xukuumada Itoobiya waxay ka xidhay facebook gii markii labaad ee qol facebook oo cusub ay furateyna xabsiga ayaaba la dhigay. Sida Aber eedadii oo Mareykankajoogta laga soo xigtey, Aber wuxuu ka soo jeedaa qoys dabaqada dhexe ah oo taajiriin ah aqoon fiicana leh iyo weliba shaqo fiican oo uu aad u jecel yahay. Todobaadyo ka hor intii aan Aber diyaarada la baxsan, waxa si lama filaan ah u dhintey nin adeerkiis ah oo siyaasad ahaan xukuumada itoobiya ka soo horjeeday. Sikastaba ha ahaatee Aber wuxuu cod awood leh u noqday millions aan si xor ah u hadli Karin oo ah muwaadiyiin maxbuus ah.

Sida qoyskiisu ku warameen, Aber wuxu rabay inuu adduunka tuso xaalada xun ee argagaxa leh ee shacabka Itoobiyaanku ku nool yihiin. Marka laga tago horumarka yar yar sida dhismayaasha, guryaha filooyinka ah iyo baararka, horusocodka Itoobiya wax ixtiraam ah uma hayo xuquuqda aadamaha iyo nabad galya. Isaga qudhiisu wuxuu noqday dhibane uu habkan xun ee xukuumada Itoobiya shacabkeeda kula dhaqanto uu saameeyey sida in dalacaaddiisii shaqada laga bootiyo oo nin kale oo Tigree ah la siiyo taas oo sabab looga dhigay qoomiyada uu ka soo jeedo ee Axmaarada ah.

Waxan soo arkay waxa isaga iyo qofkasta oo Itoobiyaan ah xukuumada Addis Ababa kala soo darsa marka waxan la fajacsanahay sababta aan Itoobiyaanku ugu doodaynin Aber. Waxan filayaa in ficilka abeer ku kacay uu yahay mid naflacaarinimo ah taas oo uu rabey inuu adduunka u sheego in horumarka xulashada ku salaysan ee Itoobiya wax ka qaldan yihiin

By Jonas Clinton

Halkan ka akhri :

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay