Waxaa maanta oo Jimca ah lagu qabtay dalka Yemen shir aad u balaadhan oo  looga hadlayey Maalinta Xasuuqii Ogaadeeniya  oo ku beegan bisha Feberaayo xuskaasoo lagu qabto dhamaan wadamada ay ka hawlgalaan jaaliyadaha S.Ogaadeeniya.

Shirka oy ka soo qaybgaleen xubnaha jaaliyadda ayaa waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada dalka Yemen isagoo ka warbixiyey dhibaatada gumaysiga Itobiya uu ku hayo shacbiga  Soomaalida Ogaadeeniya. Gudomiyaha ayaa sheegay in tacadiyada uu gumaysiga ku hayo shacabka ay isugu jiraan jidhdil, kufsi, dil, xadhig sharci daro ah iyo isagoo kala dagaalama nolosha kuna khasba in ay qaxaan ama ku noolaadaan nolol cabsi ah. Wuxu sheegay Gudoomiyaha jaaliyadda inay gumaysiga u fuliyaan falalkaa dambiga ah calooshood u shaqaystayaal ku hadla afsoomaali oo loo yaqaan Hawaarin.

Waxaa cashir diini ah halkaa kasoo jeediyey sh Cabdraxmaan oo aad uga hadlay qofka muslimka ah ee gaalada la saftaa in uu la mid yahay wuxuuna aad ugu nasteexeeyey in aanay umada soomaaliyeed sidaas ku sifoobin ee ay Ilaahooda u noqdaan talona saartaan aanayna ka qayb qaadan xasuuqa ka socda dhulka soomaaliyeed ee ay ethoipia gumaysato.

Waxaa isaguna kahadlay xoghayaha ururka dhalinyarada OYSU fariciisa dalka Yemen  oo halkaa ka soo jeediyey hadal  aad u qiimo badan wuxuuna yidhi;  maanta waa maalin murugo leh aadna ugu weyn shacbiga soomaalida Ogaadeeniya mudanna in la xasuusto dhibaatada shacbiga Ogaadeeniya loo gaystay waligeedna aan la iloobin.

Waxaa halkaa lagu soo bandhigay dukumentiyo muuqaal ah oo ka  turjumayey dhibaatada loo gaystay shacbiga birimagaydada ah oo dadkii daawanaayey muqaaladaa ay la jeesteen murugo dadka qaarna way fiirsan kari waayeen, runtiina waxay ahaayeen wax laga muraara dilaaco xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo shacbiga dulman ee soomaalida Ogaadeeniya.

Waxaa kaloo lagu soo dhaweeye hogaanka abaabulka cabdi risaaq wuxuu halkaas ka soo jeediyay  hadal xusuus kugu reebaya oo ka  hadlaya dhibaatada iyo xasuuqa baahsan ee loo gaysanyo shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya isagoo  si guud  uga hadlay umada reer ogaadeeniya  dhibka  xasuuqa lagu hayo sida  kufsiga  iyo faraxumaynta  taas oo ay u gaystaan gumaysiga Itobiya iyagoo kaashanaya  damiirlaawayaasha hawaarinta, waxaana la inooga baahan yahay bay buu yidhi cabdi risaaq in aynu dadaal dheeri ah la nimaadno si aan uga baxno dhibaatada ina haysata waa in aynu si hagar la’aan ah u taageerno xaqlayaasha gudaha ku jira ee Jwxo ayuu  ku soo gabo gabeeyay.

Gabagabdii waxaa halkaa lagu cambaareeyey dawlada ethoipia xasuuqa balaadhan ee ay ka wado dhulka ogaadeeniya in ay joojiso iyo in loo gudbiyo caalamka tacadiyadaa ay ka gaysato dhulka ogaadeeniya.

Guure/Jaaliyadda Yemen.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay