Caawa waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Bandhig Faneed (show) lamagac baxay Habeenka Jaango iyo Hidaha Soomaaliyeed. Waxaa Bandhiga Faneedkaa kasoo qayb galey dadwayne aad ufarabadan oo Soomaalida dagan Nairobi iyo agagaaraheeda, waxaana lagu soo ban dhigay suugaanta Somalida Ogadenya oo uu Abwaan Maxamuud jaangow sidii laga filayaya u deeqsiiyay dadkii kasoo qaybgalay.

Sidoo kale waxaa Bandhigga kasoo qayb galay fanaaniin Soomaaliyeed oo qaarkood ka yimid qurbaha. Xalay Niarobi waxaa looga caweeyey si kaduwan cawaysyadii ay fanaaniita Soomaaliyeed ku qaban jireen Kenya, waxayna ahayd habeen si dhab ah loogu caweeyay suugaan hufan.

Waxay dadwaynihii kaso qaby galay aad uga maqsuudeen suugaantii u badnayd dhaantooyinka ee uu Abwaan jaangow ku soo ban dhigay masraxa ay ka soocotay bandhig faneedku, iyadoo dadkii daawanayay ay si fiican ula jiibinayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay