Waxaa magaalada Addis-Ababa isugu soo baxay boqolaal Haweenka magaalada ah 8dii Bishan oo ah Maalin loo Dabaaldago Xuska Haweenka. Haweenka ayaa ka cabanayay sida ay wariyeen shabakadda Ethiopian Review, Xoriyad Darada ka jirta dalka Itobiya iyo Musuqmaasuqa oo gaadhay heer ay dadka ku nool magaalada Adis Ababa intooda badan qashinka la soo daadiyo ka raadsaan nolol-maalmeedkooda.
Booliska ayaa qaar badan oo ka mid ahaa haweenkii banaabaxayay qab-qabtay oo meel aan la ogayn ula kacay. Arintan ayaa ku soo beegmaysa waqti ay dadweynaha Itobiya isu diyaarinayaan doorashooyinka ka dhici doona sanadka soo socda oo la filayo inuu noqon doono doorashooyin ay dhiig badan ku daataan.

Halkan ka daawo Banaanbaxa haweenka Adis Ababa:

Ethiopian women

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay