Dulmanayaal, waxey Soomaalidu ku Maahmaahdaa geeri nimaadan Aqoon iyo Geel-jire ayey ku Feydaa, taasoon ula jeedno qofkii aadan la soo shaqaynin si kasta ood halganka ugu wada jirtaan, markuu Shihiido waxaad odhan uun Alahayow u naxariiso, balse qofkii aad jid soo wada marteen, Jidiina soo wada cunteen, jabana soo wada dagteen Geeridiisu waxey kugu reebeysaa xanuun gooni ah, kolka waxaan leenahey mar kale Ilaahow u Naxariiso N/hure Mudane Yusuf-Carab.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu kamid noqdey Jaaliyada Ogadenia ee Germany Sanadkii 1991-dii isagoo halkaas ka bilaabey nashaadkiisa Halgan. Wuxuu ka mid ahaa xubnihii Hogaaminayey Shirkii ugu horeeyey ee lagu aasaasay nidaamka Jaaliyadeheena dibada, shirkaasoo lagu qabtey dalka Germany 31kii Desember 1994kii.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu Hogaaminayey wafdigii ugu horeeyey ee Jaaliyada Germany u dirto Wadamada la’isku yidaahdo Skandenevianka sanadkii 1996kii, wafdigaas oo Hadafkoodu ahaa sidii wadamada aan kor ku sheegey looga Abuuri lahaa Jaaliyado Soamlida Ogadenia matala oo u istaaga ka qayb-qaadashada halganka Xoreynta Ogadenia, taas oon maanta wada ognahey xooga jaaliyadeheena ka dhisabn wadamadaas oo asaaskooda uu N/hure Yusuf-carab qayb-wayn ku lahaa.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu ka soo mid noqdey Gudiga Jaaliyada Ogadenia ee Germany sanadihii 1996-1997-dii isagoo shaqdiisa gaarka ah aheyd Madaxa Dhaqaalaha Jaaliyada Ogadenia ee Germany. Wuxuu qayb-wayn ka qaatey horumarka Jaaliyadeena Germany oon ilaa eega u baxsano qaabkii uu noo jideeyey ee horumarinta halganka Xoreynta Ogadenia.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu ka mid noqdey wafdigii Jaaliyada Ogadenia ee Germany ay u dirty Shirwaynihii 2-aad JWXO sanadkii 1998-dii isagoo Wafdigaas Madax u ahaa door fiicana ka soo qaatey qaabkii loo Agaasimey Shirwaynihii 2-aad ee JWXO.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu ka mid noqdey Golaha Dhexe ee JWXO Sanadkii 1998-dii isagoo ka soo qayb-galey Kal-fadhiyadii Golaha Dhexe ee JWXO dhamaan sanadihii; 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2010, 2011 iyo 2013-kii.

N/hure Yusuf-carab wuxuu ku tagey Gudaha Ogadenia ugu yaraan shan hawl-gal isagoo mar walba matalayey Jaaliyada Ogadenia ee Germany.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu ka mid ahaa hawl-wadeenka Hogaanka dhaqaalaha ee JWXO mudadii 5-ta sanadood aheyd ee la soo dhaafey.

N/hure Yusuf-Carab wuxuu ahaa asaasihii Jaaliyada Ogadenia ee Bermingham UK, halkaas oo uu door lama ilaawaan ah ka qaatey asaasidii Jaaliyada Bermingham iyo habsami u socodka jaaliyada.

Dulmanayaal, waxaanan marna iloobeynin dardaarankiisii uu ila dardaarmey xili uu nagu soo booqdey dalka Germany bishii la soo dhaafey, wuxuuna yidhi; Walaalow waxaa inoo dardaaran ah oon isku ognahey ineynaan marna ka been-sheegin Dhaarteenii aheyd Xoreynta Ogadenia taasaana isku oganhey ayuu yidhi hadii aad iga danbeyso.

Runtii Yusuf-carab wuxuu ahaa qof aan marna ka been-sheegin Dhaartii uu ku dhaartey inuusan ka daalin halganka Ogadenia lagaga Xoreynayo gumeysiga daalimka ah ee Itoobiya.

Walaalayaal, waxaan u rajeynayaa walaakeen N/hure Yusuf-carab Naxariista EEBBE-WAYNE inagana inuu inagu Guuleeyo Xoreynta Shacbiga Ogadenia, aamiin.

مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُمْ مَنْ قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُمْ مَنْ يَنْتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا

Gaal-Eri, Frankfurt, Germany.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Asc.Ina lilahi wa ina ilayhi rajicun.Ogadenia waxay wayday halyeey ay aad u adag tahay,helidiisu.Aad bay ii murugo gelisay geerida Naftii hure yusuf maxamed,(yusuf carab) ahaana wallaalkay iyo saaxiibkay.yusuf maxamed,waxaan sanooyin badan ka wada mid ahayn guddiga unnugta jwxo iyo kan jaaliyadaba.Yusuf-Carab wuxuu ahaa wadani(Patriot)wuxuu ahaa mid ay ka dhab tahay(loyal) in Ogadenia Xornimo buuxda gaadho,wuxuu ahaa qof Mawqif leh,oo waxaad go`aansateen aad ugu iman,haday xitaa Duruufo adag ku yimaadaan.wuxuu ahaa yusuf nin aad u callool adag,adkaysi badan oo geesi ah(hero).wuxuu qof xabada u dhaxaysa ONLA iyo TPLF ee aad ku wada jirtaan aad ku seexan karto in dhiniciisa aan lagaaga soo dhacayn,inuu shahiidaba mooyee.waxaa uu ahaa nin aan hadal badnayn oo af-gaaban,tukadana.waxaan saaxiibkay yusuf maxamed ka bartay wax badan,way badan yihiin,hadaanse mid soo qaado wuxuu ii yahay qof aan ku daydo(model),Halgeena xaqa ah een ku doonayno inaan GOB noqono.waxaan aaminsanahay haddii la heli lahaa in badan oo yusuf maxamed da´diisa ah oo sidiisa oo kale ah in Ogadenia waa` hore xoroobi lahayd.waxaan Allah subxaanah wa tacaalaa uga baryayaa wallaalkay yusuf maxamed Dambi dhaaf,inuu Qabriga u gargaaro iyo inuu Aakhiro Jannatul Fardoows Hooy uga dhigo,aamiin.waxaan xusuusinayaa qof kasta oo marxuumka yaqaanay/wada shaqeeyeen inuu u duceeyo,cafiyana,wsc.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay