Barnaamijka AH ee caawa waxay ahyd in aan sii waadno baadhitaankii Dacaayadda uu gumaysiga ugu talagalay gudaha, hasa ahaatee su’aalo badan oo nalaga weydiiyay arimaha la xidhiidha Horumarka ay Itobiya sheegto inay gaadhsiisay dalka, taasoo ay ku doodaan kuwa qareenka u noqday Gumaysiga ayaan wax ku ifin doonaa qaybaha soo socda.

Itobiya inay dalka ku qabsatay xoog ciidan waa taariikhda ka sugan labada dhanba – Itobiya iyo S.Ogadenya -, waxaana weli nool qaar ka mid ah odayaashii ka qayb galay iska caabinta dhul fidasdkii Itobiya. Hadaba su’aalaha ay tahay in la’isweydiiyo si loo ogaado in Itobiya ay dalkeena horumarin karto iyo in kale waxaa ka mid ah;

1-     Nooca gumaysiga Itobiya midkuu yahay, maadaama ay jiraan noocya Gumaysi oo kala duwan?

2-     Gumaysi dal uu gumaysto ma horumariyaa?

3-     Horumar noocee ah ayuu Gumaysiga dalka uu gumaysto gaadhsiiyaa? 

Su’aalaahaa iyo kuwa kale oo la xidhiidha ayaan kaga hadalnay Barnaamijka Caawa Q1aad. Dhagaysi wacan:

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay