Jaaliyada Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa waxay Ogaysiinaysaa dhamaan dadweynaha  Somaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koonfur Africa gaar ahaan Magaalooyinka  Johannesburg Iyo Pretoria in  laqaban doono Banaanbax si weyn loo soo qaban qaabiyay 18ka Bishan March.

Banaanbax  waxaa lagaga soo horjeedaa  Gumaysiga Itoobiya ee Xasuuqa qarsoon ka gaysata Dhulka Somaliyeed ee Ogadeniya. Banaanbaxan ayaa lagu hor qabanayaa – Pan African Parliament  Gallapher Estate Midrand  Johannesburg – halkaas oo ay iman-doonaan Madax ku sheegta Gumaysiga Itoobiya ee xalaashatay Xasuuqada shacabka  Somalida Ogadeniya.

Hadaba waxay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ku   wargalinaysaa dhamaan  Somalida  ku nool Johannesburg Iyo Pretoria  ee damiir fayaw oo Somaalinimo ku jirto leh  inay ka qayb qaataan Banaanbaxa  lagu-qaadayo Cadawga Somali ee Itoobiya. Ka qayb galayaasha  Banaanbaxa waxaa u diyaara gaadiid ay kutagayaan goobta.

Taariikhda: 18/03/2014 , Saacada:  8:00 AM – 11:30 AM

Goobta : Pan African Parliament  Gallapher Estate Midrand Johannesburg

Wixii Faah faahinintaa dheer  kala xidhiidh Qaba-qaabayaasha Banaan-baxa

Birmadjoka@yahoo.com  0610466230— 0744098270

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay