Wararka naga soo gaadhaya dhulka Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ay CWXO ku qaadeen ciidamada nacabka oo cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay. Gulufkan u danbeeyay oo ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare balaadhan ayaa laga dilay inta la hubsaday 54 askari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhaawac intaa ka badan. Waxaa kaloo lagaga gubay 2ba gawaadida ciidanka qaada iyo wixii saarnaa. Dagaaladaa ayaa u dhacay sidan.

23/2/14 Adaadi oo xarunta Gobolka Faafan ee Jigjiga katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/2/14 Maygaagjiif oo dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan dagaal aad uculus oo CWXO iyo wayaanaha kudhaxmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 19 askari 19 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/3/14 Garloogube oo Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka dulmiga iyo doolka kujooga Ogadenia lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

5/3/14 Candhofidiye oo Xamaro katirsan dagaal CWXO iyo cadawga kudhax maray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/3/14 Cagoole oo dagmada Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/3/14 Lafta-galoolka oo Garigo’an katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/3/14 Labiga oo Dhagaxbuur katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo ay isaga iyo wixii saaraaba isla basbeeleen.

6/3/14 Wartimire oo Dhagaxbuur karitsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaana loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

6/3/14 Cali-fancad oo dagmada Sagag ee gobolka Nogob katirsan dagaal ka dhacay waxaa sacabada lagaga cabay 8 ciidanka cadawga ah 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/3/14 Bahnimadow oo Jigjiga katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

9/3/14 Baqdaad oo dagmada Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dhaawacay 2 askari.

10/3/14 Kunya oo dagmada Qabribayax katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dhaawacay 2 askari.

11/3/14 Balijiic oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

11/3/14 Daridabiyomadow oo Dhuxun katirsan waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga gubay 1 baabuur oo nooca ciidamadu qaataan ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay