Jaaliyadda Ogadeniya ee Dalka  Koonfur Africa ayaa banaanbax  ay si weyn u soo qaban qaabisay ku qabanaysa Pan African Parliament  Gallapher Estate Midrand  Johannesburg  hortiisa  halkaas oo ay isugu  imanayaan  baarlamaanka Africa madaxda  Dalalka  Africa Iyo Hay’ado Caalamiya Shirka ay isugu imanayaan baarlamanka Africa ayaa noqonaya xuska aas-aaska sanad-guuradii 10aad  ee ka soo wareegtay baarlamaanka Africa .

Banaanbaxa ayay  Jaaliyadu ku dhawaaqday  isla markaana iclaamkiisa gaadhsiisay warbaahinta Dalka Koonfur Africa Sida Tv-yada, idaacadaha  Localka ah, Qareeno u dooda  Xuquuda  aadanaha  Iyo Hay’ado Caalamiya. Gudiga qabanqaabada banaanbaxa  ayaa diyaariyay war-Saxaafadeed ay u gudbiyeen wargaysyada.

Banaanbaxa ayaa  lagaga soo horjeedaa  Xasuuqa  Qarsoon ee  ka dhan ka ah xuquuda aadanaha ee ay xukuumada Gumaysiga Itoobiya ka  gaysato dhulka Somalida Ogadeniya Iyo  in la tuso  baarlamaan ka Africa  Xadgudubka Iyo Gumaysiga xukuumada Itoobiya ay ku hayso shucuubta Itoobiya gaar ahaan shacabka somalida Ogadeniya Iyaga oo  markasta  ku shira  xarunta Itoobiya ee  Addis Ababa  halkaas oo haba yaraatee ayna kajirin wax  xoriyatul qawl ah.

Qaban qaabayaasha  Banaanbaxa ayaa sheegay inay haystaan Fursad  ay Codkooda ku gaadhsiin karaan Caalamka Iyo baarlamaanka  Africa maadaama ay nasiib u heleen inay joogaan wadan xoriyatul Qawlku  ka hirgalay.

African Union waxaa la aas aasay sanadkii 2004 iyada oo xiligaas dadka African ka ah galisay  rajo weyn islamarkaana is tusay inay AU xaalada  adag  ee  Africa is badal  nabadeed u horseedi dadka rayidka ah ee  Africa

Isha ku hay wararka dambe ee  Baanaanbaxan Iyo wixii ka soo kordha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay