Siminraa ay soo qaban-qaabiyeen Xisbiyada Dimoqraadiga iyo Hantiwadaaga (Socilaists & Dimocrates) iyo ururka u dooda Saxafiyiinta ee CPJ (Committee to Protect Journalists) ayaa lagu qaban doonaa Baarlamaanka Yurub maalinta Arbacada ee 2da Bisha Abriil.

Siminaarkan ayaa waxaa ka hadli doona aqoonyahano, siyaasiyiin iyo wariyayaal ay ka mid yihiin Martin Shibbye iyo Cabdulaahi Xuseen oo ka xogwarami doonaa xaaladaha Ogadenya. Iyagoo waliba ka qaybqaadan doona doodaha iyo jawaabaha su’aalaha.

Siminaarkan oo muhiim u ah qadiyadda Ogadenya iyo inuu caalamka fahmo xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka Somalida Ogadenya iyo xasuuqa ka socda halkaa, waxaa laga codsanayaa jaaliyadaha Yurub inay si buuxda uga qaby galaan siminaarka iskana diiwaan galiyaan iyagoo raacinaya macluumaadka looga baahan yahay cinwaanka ah;

Miguel.carabeto@ep.europe.eu

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay