Minneapolis- Sabti, March, 15 2014. Waxaa munasab lagu xusayay malinta xasuuqa shacabka Ogadenya ay ka dhacday jamacada Minnesota qaybteda  ku tala Minneapolis. Shirkan oo ahaa mid ay siwayn usoo agasimeen ururka midowga dhalinta iyo ardayda Ogadneya (OYSU) oo ay jaliyada Ogadenya gacan baladhan ka gaysatay ayaa si habsami leh uga dhacay jamacada wayn ee loo yaqano University Of Minnesota.

Munasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuliyiin ka tirsan hayadaha calamiga ah ee u doda xuquuqda adanaha, siyasiyiin maraykan ah, shacabka Somalida Ogadenya oo madashii buuxdhafiyay.

Munasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay cadaymo maqal iyo muuqaal ah oo tilmaan cad ka bixinaya gaboodfalada ay ciidamada gumasiga Ethiopia ay u gaystan shacabka Ogadenya.

Waxaa madasha marti sharaf ka ahaa Mr. Graham  oo ah qora caan ah oo udhashay wadanka Ingriska darasada badana ka qoray Ogadenya. Mr. Graham waxaa uu madasha keenay waraysiyo uu layeshay shacab u dhashay Ogadenya oo ay cidamada gumaysiga Ethiopia ay dhibatooyin ban u gaysteen.

Dhanka kalana Mr. Graham waxaa uu soo bandhigay waraysiyo uu layeshay 4 ka mid ahan jirtay cidanka Liyu poliska oo ayagu ah kuwa dhibatada ugu badan ku haya shacabka Ogadenya balse hada kasoo gostay cidanka Liyu ga kadib markay udulqadan wayeen dhibatada wadanka Ogadenya ka jirta.

Shirkan manta lgu xusayay Malinta Gumadka Ogadenya ayaa waxaa ay u dhacday si heer sara ah waxayna ku soo dhamatay gul iyo gobanimo.

 

Darbawayne,

Minneapolis,

MN.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay