Ururka  Midawga  Dhalinta & Ardayda  Ogadeniya  (OYSU)  Qaybtiisa  magaalada Johannesburg  ee  Dalka  Koonfur Africa  iyo  masuuliyiin  ka  socoday maamulka Jaaliyada Ogadeniya  ee South Africa ayaa  maanta ka qayb galay Shir loogu gogol xaadhayay Xuska Sanad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas aasay African Parliament.

Shirka  waxaa  ka soo  qaban qaabiyay  Urur weynaha  African Youth  waxaana  ka soo qayb galay dhamaan Ururada  Dhalinyarada Gaarada  Africa  oo uu ka mid yahay Ururka OYSU Iyo qaaar ka mida Masuuliyiinta Jaaliyada Ogadeniya Iyo Urura kale.

Ururka OYSU xubin u  hadlay ayaa  sheegay in dhalinta Africa indhaha  ka laabatay xaalada  adag  ee shacabka Ogadeniya Iyo dhalinyarada Oagdeniya ee gudaha Dalkooda ku dulman kuwaas oo uu xasuuq  ba’an u gaysato xukuumada gumaysiga  Itoobiya. Hadalkaas ayaa shirka  ayaa shirka  gilgilay isla markaana Dhalintu wax iska waydeeyay  iyaga  oo ku tilmaamay wax  laga xumaado  African is  gumaysta.

Shirka  ayaa  siweyn looga hadlay xaalada  dhalinta Africa Iyo dowrka ay dhalintu  kaga  jirto  Africa dhaqaale  Siyaasad Iyo caafimaadka  Iyo in la kobciyo  Aqoonta  dhalinta Africa  is dhex galka  Iyo Isku xidhnaanta dhalinta  Africa  iyaga oo door wanaagsan ka ciyaari  kara  xaalada  qalafsan ee  dhalinyada Africa  ku noolyihiin

Dhamaan Masuuliyiintii Shirka ka hadlay  ayaa sheegay  in wakhtigii   gumaysigu dhacay loona  baahanyahay in dhalinta Africanku  gacmaha  is  qabsadaan waxay intaas  ku dareen in Ogadeniya ka mitahay meelaha  uu Xasuuqa ugu  badani  ka dhaco qaarada Africa,

Ururka  OYSU ayaa  ee dalka  Koonfur Africa ayaa xidhiidh wanaagsan laleh  dhamaan Ururada  ha hawlgala  wadanka  islamarkaana  lagu marti qaadaa  talaabo kasta oo  ay qaadayaan Ururada dhawliga ah Iyo kuwa  maxaliga ahba.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay