Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay. Dagaaladii ugu danbeeyay ee ay warbixintoodu nasoo gaadhayna waxay udhaceen sidan.

2/3/14 Golbisiq oo dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhax maray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 7 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/3/14 Uusbuur oo tuulada Garloogube ee Gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/3/14 Haloobiyo oo Dagmada Baabili katirsan dagaal CWXO iyo kuwa cadawga ku dhax maray waxaa ciidanka dulmiga ku caanbaxay ee Itoobiya lagaga dilay 1 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/3/14 Qandare oo Dudumocadka katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

11/3/14 Fariiqyada oo Baabili katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa wali lahelin.

13/3/14 Daala oo Dudumocadka katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

13/3/14 Qansaxlay oo Garigo’an katirsan dagaal kadhacay waxaa waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahelin.

15/3/14 Dalcada oo Qabridahare udhaw kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay kolonyo baabuur ah waxaana waxaana goobta lagu gubay 1 baabuur oo kuwa ciidanka cadawga ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay