Waa qaybtii 3aad ee qormadeenii inoo soo taxnayd aan halkii ka sii wadano’e, Bani Aadamku dhalashadiisa kadib wuxuu maraa marxalado kala duwan waxaana koritaanka iyo hab dhaqanka dadka saamaynta ugu balaadhan ku yeesha duruufaha ku xeeran, nolosha Aadamuhu waxay la bilaabataa waayo kala gadisan waana xiliga caruurnimada goorta ilmaha jidka mustaqbalkiisa lagu jahiiyo si uu ugu diyaar garoobo xilka culus ee ay waalidkii ku wareejin doonaan.

Hadaan soo qaadano caruurta Itoobiya waxa lagu anqariyaa dhaqan askarinimo, adadayg iyo cadaawada Soomaalida waxaana lagu ababiyaa colaad aad u qoto dheer oo aan waligood ka suulaynin, Ilmaha Itoobiyaanka ah waxaa loo diyaariyaa qorshe xidido fog leh oo u sahla in uu si mugleh ugu hogaansamo kuna beeranto hanashada dhaxalka ay waalidiintiis uga tagayaan.
Ilmaha Itoobiyaanka ah waxaa lagu bilaabaa yaraantiisa carbin wakhti waafi ah lagaliyo oo uu ku qaato tilmaamaha iyo taariikhda soo jireenka ah ee inteeda badan beenta, qabka madhan iyo guracnaanta ku dhisan.

Caruurta Itoobiya inta aysan wax kale baranin colaada Soomaalida ayay qalbigooda ku jaxaasaan tabobarka ilmaha Itoobiyaanka ah waxaa lagu dayaa tijaabooyin kala duwan oo dhamaantood lagu sahaminayo dareenka ilmaha si bilowga noloshiisa saldhig loogaga dhigo colaada, cadaawada, damaacinimada, xaqirida iyo boobka wax uusan isagiu lahayn.

Arrimahaasi dhamaan waa kuwo assal ahaan Itoobiya dhaqan u ah sidaasdarteed dhamaan Itoobiyaanku xumaanta way kala dhaxlaan gaar ahaan cadaawada ay Soomaali u hayaan in caruurta lagu barbaariyo ahmiyd weyn ayaa la siiyaa, ilmaha yar waxyaalo uu jeclyahay iyo xiliyo khaas ah oo uusan lahaansha shayga isaga ku magacaaban cidkale u ogaalaan karin ayaa jira waana xigiga ay caruurtu wax walba lahaanshihiisa iyagu sheegtaan ee ay adagtahay in ay mulki wareejiyaan.

Haddaba Ilmaha Itoobiyaanka ah xiligaas waxaa la gudoonsiiyaa shay loo tuso in si adag lagu keenay waxaana gudoonsiinta shaygaas loo raaciyaa dardaaran ah in uu ku faro adaygo, ilmahaasi marka uu aqoonsado in uu shay hebel isagu leeyahay wuxuu ka waardiyeeyaa caruurta kale mana ogola in isticmaalka shaygaas lala wadaago.

Kolka ay waalidka u cadaato in uu Ilmuhu shaygii la gudoonsiiyay suntaday ayay shaygii ka qariyaan markaasaa kuwo uusan lahayn la hor marmariyaa oo ay caruurta walaalihiis ah ee ka waaweyni ku ciyaaraan kolkaas ayuu hinaasi oo uu damci in uu shaygiisii la soo baxo waxaase loogu bishaareeyaa in uusan shayagiisii oolin oo uu cayni qabad u baahanyayay.

Ilmihii dhulka ayuu isku jeexayaa aad marka uu u ooyo ayaa lagu odhan hoohin waxba ku helimayside ha ku daaline halaguu waramo oo shaygaagii meel halaguugu sheegee soo fadhiiso haye intuu yidhaado ayuu sal mugii u fadhiisan kolkaas ayaa si wayrixin iyo dagaalgalin ah dhiilana ka turjumaysa loogu odhan shaygaagii faro kuma jiro oo waxaa dhacay nin Soomaali layidhaado oo in aad faraxdo daaye in aad noolaato aan ogolayn.

Ilmahaas waxaa lagu beeray colaad fog sidaasna lagu daynmaayo oo kolba waxa uu jecelyahay ayaa inta laga qariyo lagu odhan ninkii Soomaaliga ahaa ayaa xalay intanu jiifnay weerar mir ah inagu soo qaaday oo dagaal adag oo na dhex maray kadib xoolo uu shaygaagii ka midyahay ayuu hantiyay ilmihii waligiiba khuraafaadkaas ayaa lagu akhriyi maskaxdiisana lagu dhaamin ilaa uu Iskuul gaadho oo manaahijta uu baranayo dhamaantood nuxur looga dhigo sidii uu ninka Soomaali la yidhaado hantida uu ka hayo uga faro maroojisan lahaa.

Ilmaha sidaas lagu barbaariyay maxaa la gudboon xaqiisii lagu yidhi waa lagaa dhacay saw in uu baadi goob u galo ma aha?, jawaabta cid kale ka sugi maayo oo waa haa waxaana xaqiiqo ah in dabaceecada Itoobiya ay fikradaasu salu tahay ayna jecelyihiin boolyashada iyo wax aysan lahayn in ay ku murmaan taasina waa ta uu ilaa xiligan gumaysigu dhulka Ogaadeenya ugu dhaganyahay.

Itoobiya damaceeda ayaa run ula ekaaday siyaasiyiinta Itoobiya maanta hagaysaana waa caruurta colaadaas lagu ababiyay oo aargoosi, dulmi, dal aysan lahayn u hanqal taagid iyo macangagnimo ayay la soo mutaxanyihiin waxaan xumaan ahayna ma deeqaan.

Itoobiyaanku dhexdooda isma wanaajiyaan cid kalena hadalkeedba daa marka aad dadka sidaas ah iyo Soomaalida maanta is barbar dhigto waxaa kuu muuqanaya in ay xaaladu bil caksi tahay oo caruurta Soomaalida lagu beerayo jacaylka Itoobiya waayo waxaa ku dayasho u ah oo ay arkaan aabayowgood oo Itoobiya u kala dhuumanaya, oday waliba wuxuu Itoobiya u hoos roorayaa in uu ka helo hub iyo siyaasad guracan oo uu walaalkiisa Soomaaliga ah ku curyaamiyo umadiisana ku kalafogeeyo.

Intaas waxaa dheer amaanta iyo mahada naqa aan la qiyaasi karin ee ay siyaasiyiinta Soomaalidu Itoobiya u jeedianyaan, hada la soco caruurta Soomaalida ee xiligan jacalka Itoobiya lagu rabaynayo Itoobiyaanku raali kama aha mana doonayaan in dad wanaag dhex maray loo ekaado sidoo kale ma qariyaan nacaybka ay Soomaalida u hayaan.

Hadalku wuxuu ku soo ururayaa Soomaaliyeey hadada Itoobiyaan noqon lahayd iyagii ayaan ku ogolayn oo ku leh Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa?.

Qormadeena maantana halkaas ayaynu ku hakinaynaa la soco qaybaha dambe.

Roda Ibrahim A. Gurey (Afjano)
masnna@yahoo.com

Qaybihii Hore 1aad2aad

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay