Shirkii Gudiga dhexe ee Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape halkaas oo uu shirku  ka Socday Sadex maal-mood ah .Waxaa Shirka ka soo qayb galay Ergooyin Fara badan oo isaga kalayimid qaar kamida gobolada  wadanka South Africa.

Shirka  ayaa dhaca Sanadkiiba Laba jeer  isla markaana lagu ansixiyaa laguna dajiyaa Qorshe-yaasha Jaaliyada Ogadeniya ee Konnfur Africa.  Shirka oo ahaa Shir Si Habsami ah u Socday mudado Sedex Bari ah ayaa waxaa lagu ansixiyay Qudobo muhiim ah oo Jaaliyadda Iyo Qadiyada  Ogadeniya wax badan u qaban doonta  waxaana ka hadlay dhamaan Xubnihii  gudiga dhexe ee goobta isugu yimid .

Xubnaha gudiga dhexe ee Jaaliyadda   ayaa Si waafiya uga dooday Arimiha Jaaliyadda Iyo qodobadii  yaalay Miiska  Xubnihii qiimaynta Sameeyay ayaa sheegay in waxqabad-ka  Jaaliyadu gaadhay  meel wanaagsan  isla markaana Arimaha Jaaliyadu u Fuleen Sidii loobaahnaa  balse  loobaahan yahay  in la sii Xoojiyo.

Dhanka kale waxaa Shirka ka hadlay gudomiyaha  Jaaliyada  Ogadeniya ee  Koonfur Africa  Mudane C/raxman Siciid oo ka warbixiyay xaaladda halganka iyo jaaliyadda ay ku sugan yihiin isagoo  gudoomiyu  ugu dambayn aad  u mahad Celiyay Ergadii Shirka isugu yimid isla markaana u sheegay Xubnihii in ay Arimaha Jaaliyadu u Fuleen Habkii  la doonaayay Waxaa  Shirka lagu ansixiyay Qorshayaasha  Jaaliyadda Iyo Istiraatijiyada Sanadka Cusub ay Jaaliyaddu ku hawl gali lahayd.

Baaq:

Shirku wuxuu dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimadooda Iyo taageeradooda halganka xaqa ah ee ay hogaaminayso Jabhadda ONLF islamarkaana gacan bir ah lagu qabto shirqoolada Cadowgu u maleegayo Shacabka Somalida Ogadeniya .Iyo kuwa u adeega gumaysiga  Itoobiya Shirku wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ayna  indhaha ka daboolanin  xad gudub yada gumaysiga Itoobiya  u gaysto Shacabka Ogadeniya ee Xuquuqda aadamaha  ka dhan ka ah,isla markaana  loo gurmad dadka rayidka ah ee Jeelasha  laga buuxdhaafiyay Si loo hello sinaan Iyo Cadaalad.

Canbaarayn:.

 Guddiga dhexe ee JOKA wuxuu canbaarayn kulul dusha uga tuuray  xukuumada gumaysiga Itoobiya ee  xasuuqa ba’an ku haysa shacabka birma gaydada ah ee aan waxba galabsanin xasuuqaas oo isugu jira  Dill, Kufsi, dhac, boob, Iyo xidhay aan loo kala  aaba yeelin  Dadka rayidka ah Iyo Qofka Siyaasiga ah ee Soomaalida Ogaadeenya. Jaaliyadda ayaa qabanaysa 25/03/2014  Shirweynihii  10aad ee isbadalka maamulka Jaaliyadda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay