Shirwynihii 10aad ee Jaaliyadda  Ogadeniya  ee Koonfur Africa ayaa maalintii  Labaad habsami uga socda  magaalada  Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape  halkaas  oo ay isugu yimaadeen  xubno badan oo isaga kala yimid qaar kamida  gobolada wadanka Koonfur Africa.

Shirwaynaha  Jaaliyadda ayaa lagaga hadlayaa Arimaha Jaaliyadda Iyo Doorka ay  Qadiyada Ogadeniya  ku leedahay  Jaaliyadu  Iyo istiraatijiyada Jaaliyadda ee Sanadka cusub. Shirweynaha oo bilawday Sagaalkii Subaxnimo ayaa soo xidhmay Shantii galabnimo waxaana shirka  ka hadlay Xubno badan oo ka tirsan Jaaliyadda.

Shirweynaha oo socon doona  Sedex maal-mood ayaa maanta qaybtii 2aad  ee shirka la soo Afjaray waxaana Shirka warbixino sanadeed  ko soojeediyay maamulkii Jaaliyadda ee Sanadkii ina dhaafay ee 2013.  Qaybta Sedexaad ee Shirka ayaa Furmi doona Sagaalka Subaxnimo  ee Barrito.

Warbixin sanadeedkii ay Xubnaha Maamulku ka soo jeediyeen goobta ayay  dhamaan xubnihii  ka sooqayb galay shirka  aad ugu riyaaqeen.

Faah Faahin dheeraad ah Dib ka fillo.

Xayi/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay