Shirweynaha 10aad ee Jaaliyadda Ogadeniya  ee  Dalka Koonfur Africa ayaa si habsami ah uga socda magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Eastern Cape  halkaas oo uu shirku  ka socdo maalintii Sedexaad.

Waxaa maalinta Sedexaad ee Shirweynaha Jaaliyadda lagu ansixiyay qodobo lagu kordhiyay  xeer hoosaadka  Jaaliyadda Iyo Hay’ada Sama Falka Iyo daryeeelka Iyo naafada Ogadeniya Hay’adaas ayaa ka hawlgali doonta Dalka  Koonfur Africa iyada oo  hoos imanaysa Jaaliyadda.

Shirka oo jawi dagan ku socday ayaa waxaa ka halday masuuliyiin  badan oo ka tirsan Jaaliyadda ku waas oo ka mid ahaa  ergooyinkii Shirka ee isaga  kala yimid gobolada.

Shirka waxaa ka soo qayb galay  Xubno ka tirsan Jabhadda ONLF waxayna  ka warbixiyeen xaalada  Ogadeniya Iyo  xogaga Jabhadda ONLF xubanah ayaa sheegay in Halganka  Ogadeniya gaadhay meel uuna ka soo laaban Karin islamarkaana tilmaamay  xiligii  la  sameeyay Jabhadda ONLF Iyo maanta farqiga u dhexeeya.

Halkan ka daawo qaar kamid ah sawirada laga so dirayo hall-ka shirka uu ka socdo.

 

 

 

 

 

Shirka ayaa  wali  halkiisa  ka sii socon doona ..

Xayi/ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay