Shir-sanadeedkii 10aad ee Jaaliyada Ogaadeeniya ee Dalka Koonfur Africa  ayaa lagu qabtay magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Eastern Cape.halkaas oo uu  Shirku oo socday mudo Afar maalmood ah ayaa sirasmi ah uga furmay magaalada Port Elizabeth  24/03/2014  wuxuuna soo-xidhmay  27/03/2014.

Shirka oo ay ka sooqayb galeen Xubnaha Jaaliyadda  Ogaadeeniya ee Koonfur Africa, Iyo Xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa ku soo dhamaaday guul Iyo go’aamo wax badan u qaban doona Qadiyadda  Ogadeniya.

Shirka oo ahaa shir Sanadeedka Jaaliyadda ee uu maamulka Jaaliyadu  is ku badalo ayaa waxaa lagu Doortay  Maamul Cusub oo Hogaamin doona Jaaliyada Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa Sadankan 2014 waxaana  lagu gorfeeyay Arimaha Jaaliyadda Iyo istiraatijiyada Jaaliyadda ee Sadanka cusub waxaana lagu qiimeeyay  kaalinta ay  Jaaliyadu ku leedahay Halganka ka socda  dalka Ogadeniya kaas oo ay  Hogaaminayso  Jabhadda ONLF.

Shirka  oo ahaa mid muhiimad weyn u leh  Jaaliyadda Ogadeniya ee Dalka  Koonfur Africa  Iyo dhamaanba shacabka Dalka Ogadeniya  ayaa gumaysiga  Itoobiya Iyo gacan yarayaashiisa   ku noqday  falaadh dhaawac weyn u gaysatay rabitaankiisa gumaysinimo ee ku salaysan dulmiga Iyo xadgudubka uu ku hayo shacab-weynaha Wadanka Ogadeniya

Waxaa  shirka  kahadlay  masuulinta ka tirsan Jabhadda ONLF Iyo Xubno kala duwan oo ka socoday hay’adaha Jaaliyadda ee  shirka  ka soo  qayb-galay. Waxaa ka loo shirka wacdaro kadhigay Ururka Dhalinyarada Ogadeniya ee  OYSU  Iyo fanaaniinta  Jaaliyadda oo  muujiyay  dareenka  shacabka  Somalida  Ogadeniya  Iyo nacaybka  ay u qabaan  gumaysiga  Itoobiya kaas oo la doonayo in dalka xoog lagu dhaafiyo.

Go’aamada  ka soo Baxay Shirweynaha 10aad  ee Jaaliyadda Ogadenya ee Koonfur Africa 

1.  In lagarab  istaago  halganka  Ogaadeeniya  ee ay hormuudka u tahay Jabhada ONLF sifo loo xaqiijiyo  Aayo-ka tashiga Shacabka Ogadeniya

2.  In la adkeeyo  Ururada  bulshada  ee u dhaq-dhaqaaqa Jaaliyadda Iyo qaddiyada  Ogaadeeniya   oo uu ugu horeeyo Ururaka  Midawga  Dhaliyarada Iyo Ardayda Ogadeniya Iyo Ururka Haweenka  Ogadeniya

3. In latayeeyo  hay’adaha  Samafalka  ee  daryeela  Agoonta  Iyo  naafada  Ogaadeeniya

4. In kor loo qaado xidhiidhka  walaalaha  Soomaaliyeed  meelkasta oo ay  joogaan

5. In la tayeeyo  saxiibada  Qadiyada ee Jaliyadda ku xeeran

6.In kor looqaado  heerka Saxaafada ee Jaaliyadda

Cambarayn

1-Wuxuu shirku Canbaareeyay Kulul dusha uga tuuray xukuumada Tigreega ee gumaadka Iyo gabood falka ku  haysa  shacab-weynaha  Ogaadeeniya  sida go’doominta wadanka,  Cunaqabataynta,  xanibaada Saxaafada Caalamka, ka mamnuucida Dalka hay’adaha Samafalka.

2-Wuxuu  shirku  Canbaaraynayaa  Ciidamada gumaysiga  Itoobiya Iyo Maleeshiyaadka Hawaarinta (Liyu Police )  ee  maxaysatada ah ee  gudaha Ogadeniya  ka  wada dhaca,boobka, kufsiga, xadhiga, dilka, xayiraada isusocodka dadka deegaanada  kala duwan  ku  nool Iyo  barakicinta.

3-Wuxuu  shirku  Canbaarayn Kulul dusha uga tuuray   gacanyarayaasha   gumaysiga Itoobiya  ee u  sahla  gumaadka  muwaadiniinta, ahna calooshood u shaqaysta- yaasha wakiilka  uga noqday dhiiga shacabka Ogadeniya  xukuumada  Tigreega, meelkasta oo ay joogaan, cidkasta oo ay yihiin  Iyo  xilkasta  oo ay  hayaan.

4-Wuxuu  shirku  Canbaaraynayaa  dadka  buun-buuniya  dacaayaadka  beenta ah ee  lagu  qarinayo  dulmiga  Iyo  gabood  falka loo gaysto  shacabka-weynaha Dalka  Ogaadeeniya


Baaq

1- Shirku  wuxuu  baaq u dirayaa  beesha  Caalamka  sida  Midawga Yurub, dawlada Maraykanka, Midowga Africa, Jaamacadda  Carabta, Ruusha,  Shiinaha  Iyo Hindiya Iyo wixii  lamid ah in ay joojiyaan taageerada lagu bixiyo gumaadka shacabka  Ogaadeeniya Iyo bixinta dhaqaalaha maleeshiyaadka  gabood falkaka Ka gaysta wadanka Ogadeniya

2- Shirku  wuxuu  baaq u dirayaa  Saxaafada  Caalamka in ay tooshka ku ifiso dhibaatada  wadanka  Ogadeniya  kajirta

3- Shirku  wuxuu  baaq u dirayaa muwaadiniita Soomaalida  Ogaadeeniya  ee kaqayb qaata  falalka  xunxun  ee  gumaysigu  wado in ay ka  waantoomaan kana hadhaan gumaysiga Itoobiya

4- Shirku  wuxuu  baaq u dirayaa  walaalaha  Soomaaliyeed in ay hiil Iyo  hooba lagarab istaagaan  walaalahooda  Soomaali  ee uu  gumaysiga  madoobi  ku  habsaday sidii caadada u ahaydna  muu jiyaan  geesinimadii  ummada  Soomaaliyeed  lahaan  jirtay

5- Shirku wuxuu  baaq u dirayaa  shacabka  Soomaalida  Ogaadeeniya in ay sii xoojiyaan  taageerada ay lagarab  taaganyihiin  halgankooda  xaqa ah

6- Shirku  wuxuu  baaq u dirayaa  xubnaha  Jaaliyadda Ogadeniya ee JOKA inay u diyaar  garoo baan sidii ay isaga  tuurilahaayeen  heeryada  gumaysiga  islamarkaan ay u hananlahaayeen  qadiyadooda  Iyo  Dalkooda

Jaaliyadda  Ogadeniya ee Dalka  Koonfur Africa ayaa ka mida Jaaliyaadka dibada ee ugu dhaq-dhaqaaqa  badan xaga qadiyada Ogadeniya waxayna caam ku tahay Jaaliyadu dhanka Abaabulka  Bulshada Iyo dhanka  Diblomasiyada.

Fillo Muuqaalada  Shirweynaha Saacadaha  Soo Socda.

Xayi/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay