Warbixintii ugu dambaysay ee ka helnay Xarunta Dhexe ee JWXO oo ka xogwarantay dagaallo meela kala duwan ka dhacay oo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay ayaa inta tirakoobkooda faahfaahsan la helay lagaga dilay cadawga askar darajooyin kala duwan lahaa oo gaadhaya 30 askari meesha dhaawacu uu intaa ka badan yahay. Goobaha ay dagaaladaa ka dhaceen iyo khasaaraha soo gaadhay cadawga oo faahfaahsan waa sidan;

13/3/14 Qooncaasha oo dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/3/14 Karinqansax oo Iimabari katirsan dagaal CWXO iyo kuwa cadawga ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/3/14 Baarka oo dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/3/14 Dagmada Danood oo Gobolka Doollo katirsan dagaal dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 9 askari 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

20/3/14 Sardaale oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari.

21/3/14 Xadhadhamo oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7 askari tiro aan laxaqiijinina waa lagaga dhaawacay.

20/3/14 Garigo’an oo Nogob katirsan dagaal dagaal ku dhexmaray 2 ciidan oo uu gumaysigu leeyahay waxayna iska dileen sargaal hawaarinta katirsan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Muxumad Yalax.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay