Waxaa shalay banaanbax balaadhan ka dhigay masaajidka weyn ee Anwar ee muslimiinta Adisababa ay isugu yimaadaan salaada Jimcaha. Banaabaxan ayaa u muuqda inuu dib usoo noolayn doono banaabaxyadii gilgilay sanadkii dhamaaday Adisababa iyo magaalooyin kale oo ka mid ah goblada Oromiya iyo Amaxaarada.

Doorashooyinkii Baarlamaanka oo ku beegnaa Bisha May ayaa ilaa hadda aan la ogayn inuu qabsoomi doono iyo inkale iyadoo warar aan ka helayo ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inay jirto cabsi laga qabo xukuumadda EPRDF inay dib u dhigi doonto doorashooyinka ka dib markii ay dareentay inay adagtahay inay si sahlan u wada qaadato kuraasta baarlamaanka oo ka kooban 546 sidii dhacday 2010 kolkaasoo hal kursi oo kali ah ay u hambeeyeen xisbiyadii mucaaradka ee ka qaybgalay doorashada.

Halkan ka daawo banaabaxii shalay:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay