Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO

Kulanka Guddiga Fulinta, 27 – 30 March 2014

Bayaanka kulanka Guddiga Fulinta

Guddiga Fulinta ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa waddanka Ingiriiska ku yeeshay kulan aan caadi ahayn intii u dhaxaysay 27 – 30 Maarso 2014, suu u qiimeeyo halganka Ogaadeenya iyo duruufaha ku xeeran, ugana qaato go’aamo ku habboon marxaladda la marayo.

Kulanka waxaa la soo hordhigay ajenda balaadhan oo ay ka mid yihiin

·  Qiimaynta qorshayaasha iyo barnaamijyada loo dejiyay hawlaha halganka

·  Qiimaynta xaaladda adduunka , gaar ahaan Geeska Afrika

·  Dardar galinta iyo xoojinta halganka Hubaysan ee lagu xoreynayo dalka hooyo.

·  Ka hortagga Shirqoolada iyo barobagaandhada gumaysiga Itoobiya ee gabaabsiga ah.

Dood iyo falanqayn ka dib asagoo milicsanaya  go’aamadii iyo barnaamijyadii ka soo baxay Kalfadhigii 6aad ee Golaha Dhexe ee la qabtay bishii Agoosto 2013, wuxuu Gudiga Fulinta JWXO gaadhay go’aamada soo socda:

· In la  sii xoojiyo hawlaha halganka guud ahaan, gaar ahaan halganka hubaysan

·  In  kor loo qaado abaabulka iyo waxqabadka jaaliyadaha iyo bulshada Soomaalida Ogaadeenya

· In la fashiliyo shirqoolada gumaysiga Itoobiya ee gabaabsiga ah, ayadoo barnaamijyo gaar ah loo dajiyay.

· In la sii hormariyo iskaashiga iyo wax wada-qabsiga shucuubta iyo ururda ka soo horjeeda taliska Itoobiya.

Guddigu markuu qiimeeyay xaaladda guud ee halganka iyo xaaladda Geeska Africa wuxuu

1.  boogaadin u soo jeedinaya shacabka Somalida Ogadeniya oo si geesinimo leh ugu dhabar adaygay caadaadiska gumaysiga si buuxdana u taageeraya halgan hubaysan ee xoraynta Ogadeniya

2.  Wuxuu u hambalyaynyaa Ciidanka wadaniga Xoreynta Ogadenia guulaha uu ka gaadhay goobaha dagaalka iyo sida geesinimada leh ee uu u jabiyay ciidamada cadowga

3.  Halgamayaasha mintidka ah ee ka halgamaya dacalada adduunka ee ka midho dhaliyay fidinta qaddiyada isla markaasna fashiliyay siyaasada iyo shirqoolada gumaysiga Itoobiya ay dibedda ka malaygayso.

Guddigu wuxuu Cambaaraynayaa

·  Xukuumadda Itoobiya oo xad-gudub bahalnimo ah ku sameeysa xuquuqul aadanaha Shacabka Somalida Ogadeniya, ayadoo si fulaynimo ah u xasuuqaysa shacaka, khaasatan ayadoo ciidamadeeda fartay inay u adeegsadan hub dagaal kufsiga haweenka, ka dib markii ay ku guul daraysatay inay iska caabiso ciidamada jeestayaasha ah ee Jabhadda Waddaniga Xoreynata Ogadenia

·  Cunaqabataynta  ay Itoobiya ku hayso shacabka Somaliyeed ee ay gumaysato ayadoo ka hortaagan ganacasiga  iyo deeqda caalmaka , isla  markaasa afuufaysay been abuur horumar aan waxba ka jirin oo wax magaradka iyo dhuuniqaatayaasha lagu majara habaabinayo

·   falka bahalnimada ah ee ay nabad-suggida Itoobiya , ay ku afduubeen Naftood-hurayasha kala ah mudane Sulub Cabdi Axmed iyo mudane Cali Xuseen ayagoo adeegsanaysa dhuun-qaateyaal ka tirsan booliska Kenya, arrintaas oo saamayn ku yeelan doonta wadahadal dhex mara ONLF iyo gumaysiga Itoobiya, asagoo weli aaminsan in wadahal uu yahay wadiiqada ugu habboon ee lagu xalin kara khilaafka u dhaxeeya Somalida Ogadeniya iyo Itoobiya

Guddigu wuxuu arkay in gelitaanka ciidanka Itoobiya ee Somalia asagoo ku gabanaya magaca AMISON  inay tahay xad-gudub lagu sameeyay qaranimada Jamhuuriyadda iyo dadka Somalia, taas ooy ka dhalan doonto xasilooni daro iyo Somalia oo dowladnimadeedii faraha ay ka sii baxdo, shacabka Somaliyeedna xasuuq iyo xad-gudub Itoobiya u gaysato, sidaas daraadeed wuxuu ugu baaqaya shacabka Somaliyeed inayan ku dagmin hoosaasinta Itoobiya oo ay ka dhiidhiyaan faragalinta Itoobiya.

Guddigu wuxuu ugu baaqayaa

·  Somalida Ogadeniya inay sii adkeeyaan halgankooda ay ku baadi-goobayaan xoriyaddooda, ayna u dhabar adaygaan dhibaatooyinka iyo hagar-daamada gumaysiga

·  Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub  inay ka indho qarsan xasuuqa ay Itoobiya ka wado Ogadeniya

· Masuuliinta Dowladda Somalia inay ilaaliyaan haybadda iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed oo aaynay u nuglaan faragalinta shisheeyaha, khaasatn Itoobiya ay ku hayaan arrimaha Somalia.

Guddigu wuxuu uga mahadnaqayaa dowladdaha Kenya, Switzerland, UK iyo Ururka CR dadaalka ay ka waddaan sidii wadahadal loogu xalin lahaa qaddiyadda Ogadeniya.

Guddiga Fulinta Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya

Watford, Herfordshire, UK

March 30, 2014

ONA,

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay