Barnaamijka AH ee caawa waxyaabaha aan kaga hadli doono waxaa ka mid ah isku dayga gumaysiga inta lagu jiro halganka gobanimadoon, inuu suuq geeyo laba nooc oo ka mid ah laaluushka uu gumaysi bixiyo oo kala ah mid muuqda iyo mid aan muuqanin.

Waxa kaloo aan kaga jawaabi doona su’aalaha ay ka midka yihiin;

1- Maxaa uga suurtagalay gumaysiga iskudaygiisa laaluush bixinta ah.

2- Maka helay madaxda ONLF qaar iskood iyagoo xor ah ugu tagay oo qaatay laaluushkii qaarsoonaa oo u fuliyaya shuruurdihiisii.

Waxaa kaloo aan kaga hadli doonaa dacaayadda Itobiya waxyaabaha asaaska u ah sida;

1- Madaxdii JWXO oo siyaasiyiin iyo ciidanba leh ayaa isasoo dhiibaya oo waxaa kamid ah hebel oo ahaan jiray —- hadana qaatay nabadda.

2- Inay soo fadhiisiyaan TV-ga Cakaara ama hor keenaan shirarka ay ku qasbaan shaqaalaha iyo odayaasha dhalinyaro ay ku sheegaan inay kasoo goosteen CWXO.

Iyo ujeedada ay ka leeyihiin iyo wixii uga hirgalay.

Wixii talobixin ah ama su’aal ah eek u saabsan barnaamijka noogu soo hagaajiya cinwaanka shabakadda ama aragtidahalgamaaga@yahoo.com .

Dhagaysi wacan:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay