Waxaan dhambaal Salaan ah oo kusocota Dhamaan Shacab weynaha Soomaalida Ogaadeenya ee Gudaha iyo dibadaba ku nool nasoo gaadhsiiyay Halgame Sheekh Maxamed Aadan oo kamid ahaa Ciidanka Xoreynta Ogaadeenya, waxuuna Halgame Sheekh Maxamed Aadan ku bilaabay Salaantiisa sidan hoose:

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu” Anigoo ah Sheekh Maxamed Aadan waxaan Salaan qaali ah u dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee wanaaga jecel gaar ahaan waxaan Salaan Sharaf badan u dirayaa Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya meelkasta oo ay joogaan Gudaha Ogaadeeniya iyo Waddamada Qurbaha mid dooniba ha ahaatee, salaan kadibna waxaan u Sheegayaa Shacabka Gobanimo-doonka ah ee Soomaalida Ogaadeeniya inaan noolahay oo aan waliba aad u Caafimaad qabo hawshii la’iigu talo galayna aan hayo, sheegashadii Itoobiya ee ahayd inay idishayna uusan waxba ka jirin, waad Mahadsantihiin waxaan ku kulmi doonaa Ogaadeeniya oo xor ah Inshaa Allaah.

Alle ha xafidee Sheekh Maxamed Aadan oo kamid ahaa Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ayaa waxay Xukuumadda Beenta iyo Brobagaandhada kaalmaysata ee TPLF qaar kamid ah Wabsite-yadooda mar bishii hore dhexdeedii ahayd kusoo daabaceen inay Dileen Sheekha iyo Rag kale oo kamid ahaa Mujaahidiinta ONLF.

Halkan hoose ka dhagayso Muxaadaro uu Sheekhu kaga hadlay Xaqnimada Halkanka.

      1. Sheekh_Maxamed

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay