Markaan akhriyay maqaalkan lagu soo daabacay shabakadda OgadenTV (www.danabnews.com), waxaan ka murugooday ku dhiiranaanta dambiga laga galyo shacabka aan waxba galabsan iyo beenta loogu garbaynayo gumaysiga oo qaar aqoon iyo diin sheeganaya ay caado ka dhigteen.

Gabayaagii weynaa ee Qamaan Bulxan (Allaha u nxariistee) ayaa waxaa ka mid ahaa gabayaduu u tiriyay Cali dhuux ;

Toorida ninkii kuu dadbee,  daabku uu celiyey –

Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

Hadaba wiilkan uu kula kulmay Khaalid oo ah qoraaga sheekada, maxay noqon lahayd jawaabtiisa hadii lagu yidhaahdo waxaa jira qaar ka hadla horumar iyo nabad ayaa ka jirta Ogadenya? Wuxuu yidhi Khaalid sida ku qoran maqaalka; Waxaan filaayay iyo waxaan la soo kulmay aad ayay u kala fogaayeen. Waxaan ahaa nin maalinwalba daawada dhul Cagaraan oo  Biyo Burqannayaan iyo sawiro waaweyn oo aad u qurux badan. Balse waxaan waayay dhamaan Waxaan daawan jiray markaan Ogadenia tagay.

Waxaan marnaba shaki igaga jirin kuwa arimaha uu wiilkan yar ka sheekeynayo iyagoo ogsoon hadana u garbaynaya gumaysiga Itobiya iyo gacan-ku-dhiiglayaasha Cabdi iley uu horboodayo, waxaan shaki igaga jirin inkuwaasi ayna heli doonin meel ay ka galaan aayaddan :

 وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنْصَرُونَ

Culamada sharaxaad badan ayay ka bixiyeen aayaddan waxayna diideen xataa in lala qoslo oo laga agdhawaado kuwa dulmiga ku caanbaxay taasoo bay yidhaahdeen dhiirigalin u noqonaysa.

Maqaalkan muragada xambaarsan oon la socon doono qaybihiisa dambe;

Halkan Ka Akhri. 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay