Gudiga Qaxootiga S.Ogadenya  ee dalka Yemen oo maalinta calamiga ah ee hooyooyinka uqabtay xaflad balaadhan oo kasoo qayb galee dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan  iyo marti  sharaf  kala duwan sida haya’daha  lashaqeeya UN  iyo qaxootiya kala duwan ee kunool dalka Yemen sida Soomaalida, Oromada. Intaa ka dib waxaa  laguda  furitaanka xaflada sidii hida iyo dhaqanka umada u ahayd lagu furay aadayaha quraanka  kariimka.

Halkaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hido iyo dhaqanka  umadu u lahayd sida buraanbur, majaajulooyin, heesaha wadaniya oo dadkii xaflada ka soo qayb galay aad iyo aad ugu riyaaqeen. Intaaska dib waxaa gudigu qoxootigu  abaal marino gudoon siiyeen hooyooyin reer Ogadeniya ee hor muudka u ah umada. Waxaa  iyaguna halkaa wacdaro aan horey loo arag ka dhigay kooxda horseed, halkaas oo dadkii ka soo qayb galay ay aad  iyo aad ugu maqsuudeen wacdaraha ay halkaa ka dhigeen. Xaflada ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad iyo aad  farxad badan.

 

Guure/ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay