Oslo: Waxaa maanta ka dhacay wadanka Norway caasimadiisa Oslo, shirkii xubnaha Jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee magaalada Oslo iyo aggagaarkeeda.

Shirkan oo lagu furay aayado kamid qur’aanka kariim ka ah, ayaa Ajandaha  lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa hawlihii maamulka qabteen ilaa iyo egga iyo qorshaha maamulka Jaaliyaddu hiigsanayo dhawrka bilood ee soo socda.

Shirka waxaa warbixinno khuseeya qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda kulanka kusoo bandhigay Gudoomiyaha Jaaliyadda Norway, Mudane Abdishakuur Cali Budul oo xubnaha warbixino ballaadhan ka siiyay hawgalladii ugu dambeeyay ee jaaliyaddu kaga qeyb gashay Mudaaharaadkii Geneve iyo kulanadii kala duwanaa ee maamulku la yeeshay xubnaha gobollada Norway, goboladiisa ku kala nool ee Jaaliyadda ku xidhan.

Hogaanka warfaafinta, Md. Abdiqaadir ayaa isna dhankiisa kasoo jeediyay wax yaabaha u qabsoomay dhanka warbaahinta iyo hawlaha kale ee warbaahinta Jaaliyaddu u maahan tahay in laga horumariyo.

Shirkan oo aad loogu riyaaqay sidii loo soo qabanqaabiyay iyo agaasinkiisiba, ayaa wuxuu ku dhammaaday jawi farxad leh iyo rajo wanaag aad u sareysa oo laga qabo sanadkan inta ka hadhsan in Jaaliyaddu gaadho guulo waaweyn.

Ugu dambeyntiina shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay cambaareyn ballaadhan oo loo soo jeediyey gumeysiga Itoobiya, falalka xaq darrada ah ee ay kula kacayaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya, kuwaas oo kasoo horjeeda qawaaniinta iyo shuruucda caalamiga ah.

Mohamed Ilyas.
Oslo/Norwa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay