Waxaa magaalada madaxda gobolka Wallo ee Dissie gilgilay banaanbax balaadhan oo xisbiga mucaaradka ee UDJ uu soo abaabulay. Dadka kumanaanka ah ee isugu soo baxay mudaaharaadka ayaa ku dhawaaqay ereyo ay ka mid yihiin;

Nalama Gumaysan Karo – Codkayaga hala maqlo – Hanoo sheegina in aan horumaray oo u ururka ADAM na horumariyay – Guusha shacbiga ayaa iska leh – Ma dhagaysan karo horumar TV-ga uun laga sheegayo – Geeri baan ka xignaa cadaadiska nalagu hayo – 

Halkan Riix

Caasimadda Gobolka Tigree ee Makala ayaa sidoo kale banaanbaxan laga qaban qaabiyay oo sida wararku sheegayaan ay shacab farabadan isugu soo baxeen oo diidan habka uu xisbiga wayaanaha u maamulayo dalka.

Waxaa magaalada washington DC ka dhici doona 13ka Bishan shirweyne ay isugu imaanayaan Itobiyaanka oo siday sheegeen lagu dhisi doono Gole Qaran oo Ku-Meel Gaadh ah – Ethiopian National Transitional Council (ENTC) – Golahaa oo ka dhigan baarlamaan dibadda ka dhisan oo u ololayn doona sidii xukunka looga ridi lahaa kooxda hadda ka talisa ee TPLF/EPRDF.

Halkan Riix. 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay