Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 11/4/2014 kafurmay magaalada Frankafurt ee dalka Germany siminaar iyo aqoon iswaydaarsi siwanaagsan loosoo agaasimay.  Waxaa siminaarkan loogu talogalay kobcinta iyo kor uqaadista tayada iyo wacyiga siyaasiga ah ee masuuliinta iyo hawlwadeenka Jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee kudhaqan qaarada Yurub.

Siminaarkan iyo aqoon iswaydaarsigan oo socon doono mudo sadex bari ah ayaa lagu wada gorfayn doonaa qodobo lafdhabar u ah geedi socodka hawlaha Halganka Gobanimadoonka Somalida Ogadenya.

Siminaarka ayaa waxaa soodiriyay isla markaana soojeediyay khubaro iyo aqoonyahan khibrad dheer uleh Halganka Somalida Ogadenya kuwaasoo kasocday Hogaanada iyo Masuuliinta kala duwan ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Faah faahinta siminaarkan waxaad kala socon doontaan warbixinadaanada danbe haduu eebaha awooda leh yiraahdo ee haka fogaanina bahda ONA.

 

ONA / Germany

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay