Warbixintii Xarunta Dhexe ee JWXO ay kasoo direen dagaalada ka socda gudaha wadanka Ogadenia ayay kaga xogwarameen faahfaahinta dagaaladii ugu dambeeyay oo uu ka mid yahay dagaal culus oo ka dhacay Mugweyn oo Godey u dhow, halkaasoo ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare laxaadleh oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalada aan helnay warbixintooda ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay askar darajuuyin kala duwan leh oo gaadhaya 37 askari iyo dhaawac intaa ka badan. Dagaaladaa ayaa waxay udhaceen sidan.

25/3/14 Kuusguduud oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka wayaanaha ee cagajiidka ah lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

2/4/14 Guriwaraqyo oo Dagmada Baabili ee Gobolka Faafan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 6 askari tiro aan laxaqiijinin na waa lagaga dhaawacay.

3/4/14 Buurwadaad oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidamada wayaanaha waxay kaga dileen 12 askari dhaawacana faahfaahin lagama helin.

4/4/14 Shabeeleey oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

5/4/14 Mugwayn oo Dagmada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle katirsan dagaal culus oo ku dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga itoobiya waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 16 askari oo ay saraakiil sarsare kujiraan.

5/4/14 Shafgoo oo Tuulada Galadiid ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari 3 kalana waalagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay