Warbixintii Xarunta Dhexe ee JWXO naga soo gaadhay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalada ka socda gudaha wadanka Ogadenia ayaa ka xoogwaramay khasaraha soo gaadhay ciidanka gumaysiga Itoobiya oo goobaha dagaalka lagaga dilay askar darajuuyin kala duwan leh oo gaadhaya 30meeyo askari iyo dhaawac intaa ka badan. Dagaalada oo qaarkood sida ka muuqata warbixinta aan faahfaahin laga helin khasaaraha soo gaadhay cadawga ayaa waxay u dhaceen sidan.

11/3/14 Labafarasmadeeq oo dagmada Xamaro ee Gobolka Nogob katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin tiisa wali lahelin.

12/3/14 Mayu oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxay kaga dileen inta lahubsaday 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/3/14 Lisinka oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka Wayaanaha lagaga dilay 2 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/3/14 Khadaro oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/3/14 Tuur-oon oo Fiiq katirsan weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen ciidanka cadawga oo halkaas kusugnaa waxayna kaga dileen inta lahubo 2 askari 6 kalana way kaga dhaawaceen.

27/3/14 Daasaslay oo dagmada xamaro udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

27/3/14 Dagmada Xamaro oo Gobolka Nogob katirsan dagaal culus oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/4/14 Goorolibaax oo dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

7/4/14 Qoriile oo Gobolka Doollo kadirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanga gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

9/4/14 Barqamaal oo Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

10/4/14 Shiilaha’inacareef oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/4/14 Maadays oo Qabridahare katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa cadawga kudhex maray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/4/14 Maraalay oo Dagmada Ceelwayne ee Gobolka Shabeele katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

Dhanka kale 11/4/14 Goday dagaal ku dhex maray labo ciidan oo kuwa cadawga ah waxay iskaga dileen 4 askari 7 kalana way iskaga dhaawaceen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay