Isagoo ku hubaysan Kaamirad ayuu Axmad Qadir u dhaqaaqay inuu banaanka soo dhigo dagaalka ku sodca dadkiisa oy adkayd inuu qofna maqlo. Weedhaa ayaa hordhaca u ahaa maqaalka Aljazeera ee soo bandhigay filimkan.

Axmad waa wiil dhalinyara ah oo markuu qarxay dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo jabhadda SPLA ee koonfurta Sudan, ay ciidamada Sudaan gubeen gurigoodii. Wuxuu waqtigaa ka shaqaynaya Wasaaradda Warfaafinta Sudan, ka dib wuxuu go’aansaday inuu ku biiro koox dhalinyara ah oo ka shaqaynaya saxaafada taasoo ugu muuqatay inay uga faa’iida badan tahay dadkiisa intuu hubka qaadan lahaa. Sawirada iyo filimada uu kasoo duubay dalkiisa ayuu caalamka indhaha ugu furay dhibaatada loo gaystay shacbkiisa.

Inkastoo duruufaha ay aad u kala duwan yihiin, hadana waxaa hubaal ah qofkii dhalinyara ah ee niyad u haya inuu umadiisa si daacadnimo ah wax ugu qabto inuusan waayaynin wadaduu u mari lahaa.

Dagaalka dhabta ah waa midkan uu u qalab qaatay Axmad qadir. Waa Hawl ku dayasho mudan. Daawasho wacan:

 

Sayid Maxamad Cabdille Xassan oo la dardaarmaya wafdi uu Doollo u dirayay ayaa wuxuu yidhi;

Xasanow hubqaaddaye haddaad, naga hagaageyso
Hiyigaad ka sarejoogsatey, hibatay laabtiiye
Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho

Habaas idinku duula iyo boodh, hiriba mooyaane
Hilinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay