Waxaa dalka Australia kasocda abaabul aad ubalaadhan kaasoo laga dareemayo guud ahaan dalka Australia shir waynaha Jaaliyaadka Australia ayaa ah mid sanadle  ah oo sanadwalba meel Laguqabto waxaana sanadkan martigalisay Jaaliyaada Ogaadeenya ee magaalada Perth waxaana shirkan laga dareemayaa guud ahaan dalka Australia ooy dagantahay jaaliyad aad uxoogan, waxaana maalmahan socda safaro ay xubnaha shirka matalaya ka kala imanayaan gobalada dalka.

 

Masuuliyiin kamid ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo uu horkacayo gudoomiye ku xigeenka JWXO Dr. Mohamed Ismaciil Omar ahna Gudoomiya Abaabulka & Arimaha Ururka (HAAU) iyo Kuxigeenka Hogaanka warfaafinta JWXO Halgame Maxmad Cali Axmad iyo Halgame Mohamed Ibrahim Mursal oo ah xubin katirsan G/dhexe ee JWXO, Aqoonyahan Shukri Shafeec & xubno kale oo Jaaliyadda kamid ah ayaa maanta kasoo socdaalay magaalada Sydney ee dalka Australia ayagoo kasoo dagay magaalada Perth si ay uga qaybgalaan shirweynaha Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica.

Sidoo kale waxaa shalay ooy taariikhdu ahayd 18/4/2014, sidiiran loogu soodhaweeyay Gagida Diyaaradaha ee Magaalada Perth Gudoomiye Kuxigeenka Warfaafinta JWXO Mudane Maxamad Cali Axmad oo kasoo kicitay qaarada Yurub oo fadhigiisu yahay.

Waxaa Gudoomiyaha soodhweeyay wafti balaadhan oo uu horkacahayay Isku duwaha Jaaliyaadka Pacifica Mudane Aadan Ibraahim Cabdiraxman (Aadan Dakhare).

Shirkan sanadlaha ah oo soo biloowday sanadkii 2006 ayaa marar kala duwan lagu qabtay dalka Australia waana shir aad u balaadhan oo Jaaliyaddu kashintiriso waxaana lagaga hadlaa arimaha jaaliyada & Kala warqaadasho ay Jaaliyaadku isku waydaarsanayaan arimahooda waxaana diirada lagusaraa arimaha Jaaliyaadka oo muhiim u ah dhamaan bulshada Ogaadeenya ee kudhaqan Pacifica sida Jaaliyadaha Perth, Melbourne, Brisbane, Sydney, & New Zealand.

Shirkan ayaa furmaya Haduu eebuhu yiraahdo maalinta Bari ah ooy taariikhdu kubeegan tahay 20/04/2014 waxaana ka soo qaybgalaya bulshada qaybaheeda kala duwan &  masuuliyiin matalaya Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica. dhanka kale waxaa kasoo qaybgalaya xubno kasocda dibada oo kamid ah Jaaliyaadka Ogaadeenya ee caalamka.

Warbaahinta ONA oo goobta shirka diyaar ku ah ayaa si wayn idiin lasocodsiin doonta haduu Ilaahay yiraahdo habsami usocadka shir waynaha Jaaliyaadka Australia & barnaamijyo lagu soo bandhigi doono shirka haduu eebuhu yiraahdo ee haka fogaanina bahda ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay