OgadenToday – Dowladda Ingiriiska oo ka Walaacsan Xad-gudubyada Liyu Police-ka kuna baaqday in dib u habayn lagu sameeyo. Eedaymaha la xidhiidha xuquuqda aadanaha ay ku tumanayaan Liyu Police-ku ee Ogaden waa mid aan sidoo kale aad uga walaacsanahay .

Waxa jiray warar badan oo la xidhiidha tacadiyo badan oo ay gaysanayaan Liyu Police-ka oo ay ka mid yihiin jidhdil,iyo layn dadyowga tuulooyinka degen ee lagu tuhunsan yahay in ay Jabhadda Gobanimodoonka ONLF ay taageerayaal u yihiin.

Dowladda Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay ba waxa ay saareen culays Itoobiya si ay u meel mariso qorshayaal la xidhiidha isku shaandhayn lagu sameeyo Maleeshiyada Liyuu Police-ka.

Xukuumada Itoobiya waxa ay qaadatay baahida loo qabo arinkan sidaas daraadeed ayaan ugu dhiiri galinaynaa in ay ficil ay wax kaga qabanayso arinkan Liyu Police-ka la timaado ayay war bixintu ku dartay.

Si go’aamadan meel marintiisa loo la socdo ayaa waziiro ka mid ah Itoobiya iyo waxa ay ugu yeedhaan golaha ammaanka ee Qaranka Itoobiya ayaa waxa looga yeedhay ingiriiska si loo wada xisaabtamo is la markaasna la isu tuso oo korka looga eego ka la duwanaanshaha dhinacyada waajibaadka amniga la xidhiidha.

Waa markii ugu horeeysay ee ay Dowlada UK oo dhaqaalaha ugu badan siisa Itoobiya is la markaasna dukomentiyo ay heshay saxaafada Ingiriisku ay sheegaytay in ay Xukuumada Ingiriisku lacag ka badan 20 million oo doollarka maraykanka ku maal galiso Maleeshiyada Liyuu Police-ka.

Halkan ka akhri warbixinta 

Ogadentoday Press

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay