Maamulka Jaaliyada S.Ogadenia eeBirminghamee wadankaUKayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadi ahaa kaasoo lagu lafa gurayay wax qabadkii jaaliyada ee bilihii la soo dhaafay ee sanadkan. Waxaa kaloo shirkan lagaga hadlay hawlaha iyo wax qabadka qorshaha halgameed ee jaaliyada horyaala bilaha soo socda.

Culimada iyo odayaasha jaaliyada ayaa waxay dadkii shirka yimid  xusuusiyeen ku toosnaanta diinta islaamka iyagoo isla markaana ku baraarujiyay xaqnimada halgan Ogadenia iyo waliba sidii looga feejignaan lahaa khiyaamada uu maleegi karo gumaysiga saama la luudka ah eeEthiopia.

Waxay jaaliyadu xustay maqnaanshaha halgamaagii waynaa Naftii Hure Yusuf Carab Allaha u Naxariistee oo markii ugu horaysay ka maqnaa kulan ee maamulka JaaliyadaBirminghamqabsato. Halgamaa Yusuf Carab oo ku geeriyooday magaaladanBirmingham  mudo yar ka hor waxaa madasha shirka lagu xusay wax qabadkiisii dahabiga ahaa waxaana Ilahay looga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo.

Waxaa iyaguna qayb libaax ka qaatay shirkan dhalinyarada reer ogadenia ee OYSU Birmingham oo iyaguna halkaa ku soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo hawlaha horyaal  ey rabaan inay qabtaan muduuyinka soo socda.

ONA/Bermingham

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay