Habeenkii Sabtida ahayd 19 April 2014 ayay ururka midowga dhalinta iyo ardayda Ogadenya (OYSU) ay ka qayb galeen tartanka sanadlaha ah ee lagu qabto Jamacada Minnesota (University of Minnesota). Tartankan oo ay jamcadu soo qabanqabisay ayaa waxaa lagu soo bandhigaa hidaha iyo dhaqanka qowmiyadaha ka soo jeeda Africa. Hadaba sanadkan ayaay OYSU casumad rasmi ah  kaheshay jamacada waxayna ka qayb galeen tartankan.

OYSU Faraca Minnesota oo tartankan ka qayb galay ayaa wacdaro ka muujiyay maslixii ayagoo soo bandhigay dhantada hidaha iyo dhaqanka ay u leyihii shacabka  Somalida Ogadenya.

OYSU waxay tartankan ka soo dheel miyeen guul baladhan ayagoo kuguulaystay inay noqdan koodii gashay kalinta koobad ee ciyar wanaga.

Dhamanba dadkii ka soo qaybgalay ayaad arkaysay ayagoo sacab iyo sawaxan iskudaraya mudadii ay socotay bandhig faneedkii quruxda badanaa ee ay OYSU Minnesota soo bandhigeen.

ONA Minnesota

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay