20ka July 2011-07-20

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa ku tilmaantay abaaraha ka jira dalka inuu yahay midkii ugu xumaa ee soo mara dadka nool samankan, sidaa darteed waa inuu caalamka la gaardho Ogadenya taageero dagdag ah oo la hubiyo dhul militariga ka caagan oo ururada samafalka ay dadka tabaalaysan ku gargaaraan.

Waxay kaloo JWXO caalamka u sheegtay inkastoo ay muuqato ifafaalihii muujinayay inay dhiilo weyn ka soo socoto halkaa, inuu maamulka uu hogaamiyo KT Meles Zinawi ku adkaysanayo diidmadii ay u diideen dalka inay galaan Ururadii Dawliga ahaa ee taageerada aadminimo gaadhsiin lahaa shacabka Ogadenya, iyo waliba mucaawanadii ay gaadhsiin lahaayeen Qurba-joogta walaalahooda ku tabaalaysan dalkoodii hooyo.

Waxay JWXO ku tilmaantay arin aan la aqbali karin in Itobiya ay u adeegsato arimo siyaasadeed nolosha dadweynaha Ogadenya ee ku tabaalaysan abaaraha. Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Amniga waa inuu awoodiisa adeegsadaa sidii wax looga qaban lahaa arimaha aadmino ee sii xumaanaya Ogadenya oo loo hubin lahaa in shacabka taabaalaysan la gaadhsiiyay taageero dagdag ah oon lagu xidhin wax shuruud ah.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya mar kale ballan qaaday inay soo dhaweyanayaan oy la shaqaynayaan dhamaan ururadada caalamiga ah iyo shaqaalahooda ee doonaya inay caawiyaan shacabka tabaalaysan. Waxay JWXO u cadaynaysaa shaqaalaha samafalka in inay waxba ka jirin brobagaandada Itobiya oo si kal iyo lab ah loogu soo dhaweynayo Ogadenya oo wax noloshooda khatar galiya aanay kala kulmaynin Ogadenya. Waxay sidoo kale JWXO ku dhiirigalinaysaa Qurba-joogta inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan sidii ay walaalahooda tabaalaysan u gaadhsiin lahaayeen mucaawano dagdag ah.

Waxay JWXO ku tilmaantay is-hortaaga Itobiya inay saxaafadda caalamka tagaan Ogadenya in loola jeedo si aanu caalamka u ogaanin heerka uu gaadhay abaaraha ka jira Ogadenya iyo waliba Dambiyada Dagaal (war crimes) ee maamulka KT Zinawi uu ku hayo shacabkanaga. Inkastoo ay Itobiya ka mamnuucday saxafiyiinta inay galaan Ogadenya, hadana JWXO waxay ugu baaqaysaa oy soo dhaweynaysaa inay sii wadaan dadaalkooda saxafiyiinta geesiyiinta ah ee raba inay xaqiiqada dhabta ah ee Ogadenya ka jirta soo arkaan .

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

 
 

1 Comment

  1. guulwade says:

    haaaa heey
    waa sidaa ay sheegtay jwxo bayankana waxaa uu ku soobeegmay wakhtigiisiii waxa haboon beeshaq caalamka in loosheego in ayna itoobiya u isticmaalin mucaawanada ciidankeeda daalan iyo kuwa afsoomaliga ku hadla ee warahabaha ah ee shacabkoodii dhameeyay

    waxaa xusid mudan in ayna itoobiya rabin in uu noolado shacabka somalida ogadenia ee masakiinta ah waxeeduna uuyahay qawda maqashiii waxana ha uqabanain, jaliyadaha, ururada bulshada ee ogadenia shakhsiyaadka ,baariska ah, iyo jwxo ba waa in ay warbaahinta ushegaan waxa, kajira ogadenia war baahintana lookala baratamaa

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay