Soyaalka Reer Ogaadeeniya iyo Sugulle”  wuxuu noqon doonaa buuggii ugu horreeyey ee noocisa ah oo Af-Soomaali ku qoran, ee wax ka qora guud ahaan siyaasadda Geeska Africa, gaar ahaanna halgankii hubeysnaa ee reer Ogadeniya iyo meesha uu hadda marayo.

Wuxuu Dr.M.Ugas ugu talagaly in ay akhristaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, oo wax badan ka ogaadaan xaqiiqdu waxa ay tahay. Buuggu wuxuu ka kooban yahay daraasad dheer oo uu sameynayey qoraagu 20kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna ixtiraafyo badan ku sameeyey illaa 112 buug oo kale ama Article oo wax ka qoray gobolka Geeska Africa laga soo billaabo 1850kii.  240 bog ama 12 cutub oo uu buugani ka kooban yahay, wax ifafaalo ah oo qoraagu jeebkiisa kala imanayo waxaa ka jira hal cutub oo isaguna si cilmiyeysan uu u difaacayo afeefahiisa, inta kale waa taariikh dhab ah oo dhacday, oo leh raad iyo tixraac.

Waxaa lagu daabacay Soyaalka Reer Ogaadeeniya iyo Sugulle marktabadda la yidhaahdoAuthourhouse Publications oo ku taalla magaaladaBloomingtonee gobokaIndiana,USA. Maktabaddaas waxaa wax ku leh jaamacaddaIndianaee BloomingtonSchool of Law. Waxaa kale oo laga diiwaangaliyey Library of Congress Catalogue, oo lagu kaydiyo buugaagta adduunka ee ay qoraan, qoraayaasha la aqoonsanyahay qoraannimadooda; islamarkaana waxaa la siiyey  International Standard Book Number (ISBN), sahlaya in laga iibsan karo madbacad kasta iyo library kasta oo adduunka ku yaalla, isaga oo E-book ah iyo isaga oo hard copy ahba. Soyaalka Reer Ogaadeeniya iyo Sugulle oo e-book ah waxaa lagu iibin doonaa Amazon Book Shop iyo 28 kun oo kale oo online bookshops ah. Waxaa kale oo lagu iibin doona, suuqyadaa Soomaalida iyo dukaamada Soomaalida oo dhan meel kasta oo ay adduunka kaga yaallaan.

Aaan wax yar idinka tuso inta cutub ee uu buuggu ka kooban yahay, iyo taarikh kooban oo Dahir Nuur Sugulle iyo qoraaga buuga Maxamud Ugas Muxumed ku saabsan, ha moogaannin, hana u daymo la’aanin Soyaalka Reer Ogaadeeniya iyo Sugulle oo mar dhow soo gali doona suuqyada adduunka.

Sii Akhri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay