Minneapolis- Jimce, 25 April 14, Waxaa manta galabnimadi gagida diyaradaha ee calamiga ah  (St.paul/Minneapolis International Airport) kasoo caga dhigatay diyaradii ay la socotay Halganto, Abwanada Canka ah ee ree Ogadenya, Abwanad Rooda Afjano. Roodo waxay ka soo kicitintan wadanka Australia waxayna soo gadhay Qaradani Waqoyiga America, khasatan gobolka Minnesota oo ay ku soo hormartay.

Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Gobolkani Minnesota ayaa Abwanad Rooda si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyarada waxayna Abwanada lagusoo dhaweeyay hadiyadna looga dhigay calanka quruxda badan ee sadexda midableh xidigtuna dhexda kaga taalo, waa calanka Somalida Ogadenya oo aan hubo Inay Roodo aad ugu faraxday Aragtiga Calankeeda ay halganka dheer ugu jirto inay aragto Abwanadu isaga oo si xor ah ciida ogadenya uga lulanaya.

Rooda waa dadka fara kutiriska ah ee  ilahay ku hibaystay Hal abuurka suganta gaar ahan gabayga, ayadoo Rooda ku caanbaxday sugan halgameedka. Rooda waa gabadh udhalatay dalka Ogadenya ee ay Ethiopia gumaysato. Rooda Waxaay caan ka dhex tahay bulshada Afka Somaliga ku hadasha si aad ahna waa loga dhex qadariyaa ayadoo lagu tixgaliyag suganta uu Ilahay ugu hibeeyay oo ay dadkeeda Somaliyeed ugu hiiliso si hagar laan ahana u garab istagto walaleheeda dulman.

Rooda oo ay Jaliyada Somalida Ogadenya iyo Walalaha Jamhuriyada Somaiyeedba ay sii ad ah ugu jeelanayeen imatinkeeda, ayaa waxaa lafilayaa inay kulamo halgameed layelan doonto dhamanba qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkani Minnesota.

Akhristayashanada waxan ugu bisharaynayanaa inaan ka haqabtiri doono warbixinada kusaabsan socdalak Abwanad Roda Mudada ay ku sugantahay qaradani Waqoyiga America.

ONA, Minnesota.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay