Wargaysyada ka soo baxa dalka Sweden ayaa aad wax uga qorahayay labadii saxafi ee u dhashay dalka Sweden ee la qabtay iyagoo u sii socda inay xaaladda Ogadenya iyo dhibaatada shacabka lagu hayo ay caalamka u soo tabiyaan. Wargayska Sydsvenskan oo ah kuwa sida aadka ah looga akhristo dalka Sweden ayaa maqaal cinwaakiisu ahaa midkan ka qoray xaaladda labada saxafi oo ku bilaabay sidan;
Markii dhawaantan ay ciidammada xukuumadda Itoobiya qabsadeen labada wariye ee Iswidhishka ah ee la kala yiraahdo Martin Schibbye iyo Johan Persson, waxaa wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden uu sheegay mar uu arrinkaasi ka hadlaayay ”Sida aad ogtihiin dadka Iswedhishka ah waxaan ku waaninanay in gobolkan aysan galin, sababtoo ah gobolkan waa meel khatar ah oo aan la gali karin”. Hadalkaas wasiirka dad badan ayaa ku naqdiyay. Marka si loo eego hadalkaas waa run. Wariyayaasha doonaya inay wax kasoo qoraan gobolka soomaalida Ogaadeenya waxay la kulmi karaan khatar badan. Sida marka ay wax kasoo qorayaan dadka gudaha ku barakacay ee qoxootiga ah. Arrintaas haddii aan ka faalloonno waxay nala tahay;

Waxaa iska caddaan ah in xukuumadaha kali taliska ah ay had iyo jeer isku dayaan inay qariyaan xadgudubyada xuquuqda insaanka ee ay samaynayaan taasoo ay ku qariyaan inay saxaafadda ka mamnuucaan gobolka dhibaatadu ka jirto. Waxaa kale oo caado ah in warbaahinta internetka la xidho, xuduuddada in la xidho oo la koontaroolo dadka soo galaya iyo dadka baxaya. In wariyayassha iyo qorayaasha bogagga internetka la xidho, lagu sameeyo dabagal iyo marmarka qaarkood oo la dilo. Waxay dawladaha kali taliska ahi ay sidaas u yeelayaan si aan xaqiiqada dhibaatada jirta aan caalamku u ogaannin, waddamadaasna waxaa tusaale u ah Suuriya, Baxrayn, Yaman, Liybya iyo Itoobiya.
Arrintan ayaana ah run ahantii midda khatarta ah, waxaana waajib ah in siyaasiyiinta waddamada dimuqraaddiga ah ay arrintaas si dhab ah uga hadlaan, si lammid ah sida ay u hadlayaan ururradad u ololeeya saxaafadda xorta ah iyo dimuqraadiyadda. Wariyayaasha waa in ay xaq u helaan in ay kasoo warbixin karaan xataa meelaha ay ka jiraan iska hor-imaadyada iyo dagaallada, gaar ahaan meelaha ay dadka madaniga ahi dhib la kulmi karaan. Haddii ay sidaas dhici waydo waxaa dhici karta in xuquuqda insaanka iyo nidaamka dimuqraadiga ahi ee adduunka ay khatar galaan.
Schibbye iyo Persson waa laba wariye oo khibrad wariyenimo leh waxay u shaqaynayeen si madax bannaan, wariyayaasha waxay kasoo shaqeeyeen hadda ka hor jariidadda Sweden maanta (SvD). Johan Persson waxaa sannadkii hore uu ku jiray liiska abaalgudka wariyayaasha ee ay bixiso hay,adda Laanqayrta Cas (Röda Korset) ee dalkan Sweden.
In wariyayasha si dhaqso ah loo sii daayo waa waajib buuxa. Waxaa maskaxdeenna wali kasii guuxaya wariye Dawit Isaak oo Swedish ah oo sannado badan ku jira xabsiga dalka Eritrea. Sidaas darteed waxaan dalbanaynaa in dhammaan saddexda wariye lasii daayo. Iyo sidoo kale in aan xoogga saarno in wariyayaasha adduunka meel kasta oo ay joogaan loo oggolaado inay si xor ah ku gutaan shaqadooda oo loo oggolaado inay tagi karaan meel kasta oo u baahan in laga soo warramo.
Waxaa soo tarjumay : Keenadiid Abdulaahi iyo Maxamad Xuseen.
Newspapers published in Sweden have been writing extensively about the two Swedish-born journalists who were captured while on their way to report to the world on the situation in Ogadenia and the suffering being inflicted on the people. The newspaper Sydsvenskan, one of the most widely read in Sweden, wrote an article under this headline about the situation of the two journalists, which began as follows:
When Ethiopian government forces recently captured the two Swedish journalists named Martin Schibbye and Johan Persson, Sweden's foreign minister said while speaking about the matter: "As you know, we have advised Swedish people not to enter this region, because this region is a dangerous place that cannot be entered". Many people criticised the minister's remarks. Yet, looked at one way, those remarks are true. Journalists who want to report from the Somali region of Ogadenia can face great danger, such as when they report on internally displaced people and refugees. If we comment on this matter, our view is as follows:
It is clear that dictatorial governments always try to hide the human rights violations they commit, which they conceal by banning the press from the region where the crisis is taking place. It is also customary for internet media to be shut down, and for borders to be closed and the people coming in and going out to be controlled. Journalists and writers of websites are arrested, put under surveillance and sometimes killed. Dictatorial states do this so that the world does not learn the truth about the existing suffering, and examples of such countries are Syria, Bahrain, Yemen, Libya and Ethiopia.
This is, in truth, the dangerous matter, and it is a duty for politicians in democratic countries to speak out seriously about it, in the same way that organisations campaigning for a free press and democracy are speaking out. Journalists must have the right to report even from places where there are clashes and wars, especially places where civilians may face hardship. If that does not happen, human rights and the democratic order in the world could be put at risk.
Schibbye and Persson are two journalists with journalistic experience who were working independently; the journalists previously worked for the Swedish newspaper Svenska Dagbladet (SvD). Last year, Johan Persson was on the shortlist for the journalists' award given by the Red Cross (Röda Korset) organisation in this country, Sweden.
Releasing the journalists quickly is an absolute duty. Still lingering in our minds is journalist Dawit Isaak, a Swede who has been in prison in Eritrea for many years. Therefore, we demand that all three journalists be released. And likewise, that we put emphasis on journalists around the world, wherever they are, being allowed to carry out their work freely and being allowed to go to any place that needs to be reported on.
Translated by: Keenadiid Abdulaahi and Maxamad Xuseen.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
