Xisbigan mucaaradka ah ee loo yaqaano Blue Party ama Semayawi Party ayaa todobaadkanoo idil abaabulayay banaanbax balaadhan inuu ku qabto Adisababa maanta oy bishu tahay 27ka. Hadaba banaanbixii ayaa goor dhaweyd gelgilay caasimadda Adisababa iyadoo ee meela kala duwan isaga soo baxeen dadkan mudaaharaadaya.

Banaanbaxayaasha auaa dalbanaya in lasoo daayo maxaabiista u xidhan siyaasadda isla mar ahaantaana ay xukuumadda EPRDF/TPLF ixtiraamaan xuquuqda dadka Itobiya. tan iyo markuu xisbigan ku dhawaaqay inuu abaabulayo banaancbaxan ayaa waxaa laga kaxaystay guryahooda xubna ka mid ahaa mucaaradka iyo saxafiyiin.

Shabakadda Ethiopian Review oo sitoos uga soo warinaysa goobta banaanbaxa ayaa sheegtay inay ka soo dayn doonaan muuqaal Video ah.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay