Maalin nimadii Axada taariikhduna ay kubeegnayd 27/4/14 Waxaa xerada qoxootiga ee Dhagaxlay kulan shaqeed isugu yimid gudiga qoxootiga Ogadenia ee ka howl gala Dhagaxlay.

Gudiga Qoxootiga Ogadenia ee lagu magacaabo Ogaden Refugee Community Commitee ( ORCC ) oo kakala shaqeeya qaybaha kala duwan ee qoxootiga ayaa shirka waxaa warbixin lagaga dhagaystay dhamaan gudiyada kala duwan ee qoxootiga S.Ogadenia waxaana madasha shirka fadhiyay xubinka gudiga uqaabilsan laanta qoxootiga ee UNHCR iyo xubinka uqaabilsan laanta amaanka ee RRDO iyo xubin kasocday laanta qoxootiga uqaabilsan caafimaadka MSF iyo laanta qoxootiga uqaabilsan Raashinka ee CARE iyo xubinka socday DRA. Sidoo kale waxaa shirka fadhiyay gudoomiyaha Ogaden Community mudane Cabdi Maxamad Gaaciye iyo gudoomiye kuxigeenka bulshada Somalida Ogadenia morwo Faadumo.

Kulanka oo furmay abaare 10:00 barqin nimo ayaa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah waxaana goobta warbixin dhinacyo badan taabanaysay kasoo jeediyay gudoomiyaha qoxootiga ree Ogadenia ee xerada Dhagaxlay wuxuuna ka warbixiyay guud ahaan xaalada qoxootiga Dhadhaab ay ku sugan yihiin gaar ahaan xerada Dhagaxlay wuxuuna gudoomiyuhu sharaxaad kabixiyay qoxooti badan oo Somalida  Ogadenia ah oo aan wax kaar ah haysanin oo ku sugan deegaanka Dhadhaab wuxuu kaloo ka warbixiyay sida ay dadka noocaas ah ula tacaalaan isagoo xusay in loo ogolaaday in ladiiwaan galiyo kaararna lasiiyo howshaasna way socotaa ayuu siiraaciyay gudoomiyuhu. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay 6dii bilood ee ugu danbaysay ee uu maamulka qoxootiga ree Ogadenia jiray iyo wixii u qabsoomay iyo waliba waxaan uqabsoomin oo ay higsanayaan, isagoo sheegay in ay dabooleen baahiyaad badan kuwo kale oo badana ay u dhiman yihiin.

Sidoo kale gudoomiye Cabdi Maxamad Gaaciye ayaa xusay xidhiidhka ka dhaxeeyay gudiyada qoxootiga ree Ogadenia ee Dhadhaab iyo hay’adaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay bulsha-waynta S.Ogadenia iyo guud ahaan qoxootiga ay lanoolyihiin wuxuuna sheegay in ay bulshada Ogadenia ee Dhadhaab ku sugani ay kaalin mug leh hada kuleeyihiin guud ahaan deegaanka.

Dhanka kale waxaa goobta lagu sharaxay sida ay gudigu howsha u kala leeyihiin iyadoo qofkasta oo gudiga kamid ah loo qeexay shaqada ay umadiisu uga baahantahay iyo sida loo doonayo in uu kasoo baxo kaalintiisa.

Dhanka kale waxaa su’aalo kusaabsan shaqadooda lawaydiiyay gudiyada kakala shaqeeya hay’adaha kala duwan iyagoo sifiican uga jawaabay su’aalihii la waydiinayay.

Guntii iyo gaba gabadii kulankii ayaa soo gabagaboobay abaara 11:30 barqin nimo wuxuuna kusoo dhamaaday jawi dagan iyo farxad.

ONA
Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay