Wariyaashaas ayaa Maxkamad la soo taagay maalinimadii Axada ee 26/04/2014 waxaana lagu eedeyay dhamaantood inay kiciyaan Rabshado, balse edaymahaas ayaan sal & raad toona loo haynin marwalbana Itoobiya ku xad-gudubto nadaamka caalamiga ah ee xoriyada saxaafadda.

Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo ah Urur madaxa banaan una dooda saxafiyiinta ayaa shalay kulan yeeshay ay ku qiimaynayaa xaalada guud ee Saxaafada Qorahay Media ayaga oo ka dooday dhibaatada ka jira Ogaadeenya & sida ay Itoobiya ugu mamnuucday in Gobalkaas uu galo saxafi waxayna Daladdu ka soo saartay qodabadan.

Camabrayn

DSQM wuxuu cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee loo gaystay Wariyaasha Itoobiyaanka ah ee u shaynayay warbaahinta kale duwan ayaga oo sharcidaro lagu xidhay.

DSQM wuxuu si kulul u cambaanaynaaya ku tumashada ay Itoobiya ku tumanayso xuquuqada uu qofka saxafiga ah leeyahay waxaanan leenahay Itoobiya waa in ay shuruud la’aan soo daysaa Wariyaasha ay xabsiga u taxaabtay waana in ay soo daysaa kuwii hore u xidhnaa.

Daladdu waxay Cambareynaysaa Wariyaasha lagu laynayo dalka Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibka saran ee wariye nimo waxaana leenahay dadka mar walba laynaya wariyeyaasha waa in ay ka waantobaan oo ay joojiyaan.

Baaq

Waxaan dhamaan saxaafada Caalamka ugu baaqaynaa in Itoobiya lagu cadaadiyo in ay Ogaadeenya saxaafada u ogolaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtana ay ka soo waranto.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka u dooda waa in ay wax ka qabtaan oo Itoobiya culays lagu saaro in ay soo dayso wariyaashaas, joojisana cabudhinta saxaafadeed ee ka jirta Itoobiya.

Qorahay Media Journalist Group
qolmedia@hotmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay