Jaaliyada Somalida Ogadenia ee wadanka Sweden iyo OYSU Sweden oo is kaashanaya ayaa manta ka qayb galay mudaharadkii 1  bisha may oo sandkasta lagu qabto magalda Stockholm ee dalka Sweden, malintan oo ah malinta shaqaalaha aduunka ayaa waxa Sweden sanadkasta isugu soo baxa dad aad u tiri badan oo ka mudaharaad waxyabaha cadaalad darada ah ee ka jira wadankan.

Hadaba malintan  shaqalaha aduunka ayaa waxaa ka qayb galay Jaaliyada iyo OYSU Sweden  waxay soo ban dhigeen waraaqo iyo boodhadh ay ku qaranyihiin ama ay kaga cabanayaan lacagaha canshuurta ee ay bixinayaan in lagu laayo shacabka Somalida Ogadenia oo Itoobiya loo siiyo tageero , xubnihii JWXO ee mesha joogay waxay madasha ka soo jediyeen hadalo karti leh oo dadka mesha joogay  ka hekeen soona dhaweeyeen waxa kale oo ay shaqlihii mesha jogay u soo bandhigeen xalada guud ee Ogadenia iyo kharashka ay  dadkan bixiyaan in lagu laayo shacbkan dulman ee Gumaysiga ku hos nool.

Ugu danbaytii waxay qaybiyeen waraaqo iyo qoraalo mihiim ah oo shaqalihii mesha jogay si ay u akhristaan ugana qayb qataan tagerada shacaka Ogadenia . mudaharadkan waxaa kale oo ka qayb qaatay Jaaliyada Oromiya oo iskaashi wayn ka dhexeeyo Jaaliyada Ogadenia ee Sweden.

ONA Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay