waxaa maanta Jumcihii salaada casar kadib loo dareeray qubuuraha kuyaala tuulada Lenasia halkaas oo looqaaday maydka labadii marxuun ee xalay lagu tilay tuulada Matola ee aan ka dheerayn magaalada Johannesburg.

Aaskan ayaa u dhacay si wanaagsan oo islaamnimo ah, waxaana kasoo qayb galay boqolaal Soomaali ah oo isaga yimid gobolada kala duwan ee wadanka Koonfur Afrika . Waxaa aaska kasoo qayb galay dad aad u tiro badan oo ayagu kasoo tagay xalay markii shilku dhacay Gobolka Eastern Cape oo 1050 KM ujira magaalada Johannesburg.

Dadka kasoo qayb galay aaska ayay wajiyadooda ka muuqatay murugo ayagoo ka walwal qaba dhibka xigi doona goorta uu yahay waxayna aad isu way diinayeen sida looga bixi karo dhibkan.
Aaska kadib ayay culimaa,u diinku soojeediyeen kalimad xasuusin ah in geeridu xaqtahay ruux walbana laga rabo in uu sahay u qaato meeshaas yar ee aan lahayn qaraabada iyo ehelka toona.
Dilka dhibta yare ee ka dhaca wadanka koonfur afrika isla markaana loo gaysto dadka soomaaliyeed ayaa noqday wax iska caadi ah.

Dadka Soomaalida ah oo ah dad muslimiin ah caqiidadooduna adagtahay ayaan walwal badan ka muujinin geerida waxayse aad uga murugoodaan marka ruuxa ladilo ayaa waxaa lagu sameeyaa qalitaan aad u foolkun oo maydka xubno kamid ah laga saaraa. Soomaalida oo aan lahayn qareen udooda xuquuqdooda iyo Hay,ado gaar ah ayaan ku qanacsanayn arintan in ay tahay wax sharciga wadanka u yaala iyo dhaqan gooni uu wadankani uleeyahay.

Sikastaba ha ahaatee waa arin lidi ku ah xurmada maydka sida diinta islaamka ay qabto. Allaha unaxariistee c/risaaq iyo Shaafi ma aysan ahayn dadkii ugu horeeyay ee lagu dilo wadankan laga soobiilaabo markii ay soomaalidu timaaday ilaa hada waxaa si joogto ah u socda dagaal qarsoon oo soomaalida lagu hayo, mana jiro wax xal ah oo ilaa hadda soosocda.

Soomaalida ayaa wadanka si hor leh u timaada walaw aysan sidii hore ahayn hase yeeshee majiro wax lagu joojinayo dhibaatadan noocan ah oo ilaa hadda hawlada K/Afrika iyo soomaalida toona kayimid.
Soomaalida South Africa ayaan Allaha uga baryaynaa inuu ka Samata bixiyo dhibkan haysta .. Amiin Amiin.
ONA/JOKA.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay