Axad- Shir aad u baladhan oo ay siwada jir ah uqabteen Jaliyada Ogadenya ee gobolka Minnesota iyo Jaliyada Oromiya ayaa manta ka dhacay gobolka Minnesota.

Shirkan oo sida Sawirka aad karagtaan aad ubaladhanaa yaa waxaa ay labada jaliyadood kaga arinsanayeen masiboyinka iyo gumadka  kasocda magalada Adid Ababa iyo gobolkA Ogadenya, ayadoo maalmihii udanbaysay uu dhiigu qulqulayay xarunta gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa cad Inuu Gumaysigu sidii cadada u ahayd u xasuuqayo Shacab aan waxaba galabsanin.

 

Hadaba Shirkan ay labada Jaliyadood ay manta qabateen ayaa runtii aad loogu canbareyay goboodfalada waxshinimada aha ee ay TPLF kula kacayso shacabka Oromiya iyo Ogadenya.

 

Labada jaliyadood aya bayan ay soo sareen waxa kamid ahaa inay isu kashadaan uhilinta shacabka ay Ethiopia gumaysato iyo sidii ay uwiqi lahyeen awooda siyasadeen iyo mida cidan ee  TPLF, ayagoo talabada ugu horaysa ka bilabaya wadankani maraykanka ee ay ku nool yihin.

 

Dhanka Kale labada Jaliyadoo ee Ogadenia iyo Oromia ayaa kubalansan inay Mudaharad baladhan qabtan Malinta Jumcada ah ee fooda Inugu soo haysa bisha May 9 2014. Mudaharadkan ayaa waxaa uu ka dhici doona guriga Gobanatoraha (Governor) gobolka Minnesota.

 

Fahfahinta mudaharadka didb ayaan idinkala soo socodsiin doona.

ONA, Minneapolis.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay