Warbixintii Xarunta Dhexe ee JWXO ay nooga soo direen dagaalada ka socda gudaha wadanka Ogadenia ayay kaga xogwarameen faahfaahinta dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare laxaadleh oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaaladaa ayaa waxay u dhaceen sidan.

21/4/14 Saarka oo dagmada Galaalshe ee Gobolka Nogob katirsan weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen waxay ku dileen 1 askari oo ciidanka cadawga ah.

23/4/14 Marsin oo dagmada Galaalshe katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhax maray waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

25/4/14 Fariiqyada oo Dagmada Baabili ee Gobolka Faafan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

25/4/14 Dulqorax oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

26/4/14 Labi’oon oo Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa wali lahelin.

28/4/14 Sanxaskule oo dagmada Dhagaxmadow katirsan weerar mir ah oo ay CWXO kuqaadeen waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aad u balaadhan oo aan faahfaahintiisa lahelin.

28/4/14 shabeelay oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan lasoo faahfaahinin.

30/4/14 Warxirsi oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

2/5/14 Dagmada Dhagaxmadow weerar mir ah oo ay CWXO kuqaadeen xero ciidan oo uu hadawgu halkaas kuleeyaya waxay kugaadhsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh.

3/5/14 Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar dagaal kadhacay waxaa waxaa lagu dilay sargaal ciidanka Hawaarinta katirsan oo lagu magacaabo Maxamad Aadan Dhagoole (maaradoone).

4/5/14 Dhagaxtuur oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

4/5/14 Gosolalay oo dagmada Dhagaxbuur udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan lafaahfaahinin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay