Barnaamijkeen Aragtida halgamaaga wuxuu ku bilaabanayaa arin soo qabsatay Imaam Shaafici RC oo Sheekhiisii uu u sheegay meesha laga haysto iyo daawadiisa meesha ay ku jirto.

Isagoo ka ambaqaaday dhibkaa uu sheegtay Imaamka ayuu daadhiyaha barnaamijka xusay inuu halganka aynu ku jirno yahay sharaf iyo gudasho awaamir Ilaahay inafaray, sidaa daraadeed ay adagtahay inuu u adkaysto qof niyadiisa ay ku jirtay markuu kusoo biirayay waxaan ahayn gudashada waajibaadkaa saaran iyo inuu helo guusha labada daarood miday noqotaba .. Guul Gobanimo ama Geeri Shihiid. Sidoo kale lagama yaabana inuu u adkaysto dhibka halganka oo uu sii wado qof ay niyadiisa gashay Isla-weyni iyo Aniga. Arintaasi waa dhab la ogaaday.

Wuxuu si qotadheer uga hadli doonaa barnaamijka farqiga u dhexeeya Qabiil iyo Qabyaalad iyo siyaabaha ay uga badbaaday ONLF cudurka qabiilka ee dilaaga ah ee la hadhay ururadii la midka ahaa iyo guud ahaan umadda Somaliyeed. Wuxuu kaloo ka hadlayaa barnaamijka shaqsiyaadka uu gumaysiga u adeegsado inay qabyaalad ku dhex tuuraan halganka taasoo ay kala kulmeen guuldarro.

Halkan kala Socda Brnaamijka oo soo gali doona maalinta Arbacada ah.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay