Waxaa Shalay oo ay taariikhdu ahayd 5/05/2014 khadka isgaadhsiinta ku kulmay Gud.Ku-Xigeenka HAAU ahana kaaliyaha HAD ee ArrimahaEthiopia mudane Xasan Macallin & Hogaanka Arrimaha Dibada ee ururka OLF Dr. Shugt Gellat.

Mudane Xasan Macallin oo ku hadalay magaca JWXO ayaa waxa u uga tacsiyeeyay xasuuqii dhawaanta ay xukumada TPLF u gaysatay ardayda ummada Ormomiya.

Mudane Xasan macallin ayaa canbaareeyay dawlad ku sheegaAddis Ababa ka talisa, kuwaasoo uu ku tilmaamay dawlad argagaxiso ah.

Dr.Shugt ayaa dhankiisa u mahad celiyay walaalahooda Somalida Ogadeniya meel kasta oo ay joogaanba, wuxuuna yidhi; “Waxaan xasuusanayna sida walaaltinimada leh ee ay uga damqadeen falkan naxariisdarada ah ee loo gaystay shacbiga Oromo & kuwa loo gaysanayo shacbiga Ogadeniya.”

Wada hadal dheer ka dib waxaa la isku af gartay in isku meel looga soo wada jeedsado oo iskaashiga ka dhexeeyay labada urur & umadood in la sii xoojiyo gode & dibadba si la isaga caabiyo gumaysiga Ethiopia ee naxdinta daran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay