Maqaal xiisa leh oo taariikhi ah oo wargayska caalamiga ah ee Times – uu qoray Dec. 21, 1987 cinwaankiisu ahaa – Famine, Hunger stalks Ethiopia once again – and aid groups fear the worst – Qaybta Ingriiska ka fiiri. Ayaa qofkii akhriya uu ogaanayaa inay xukuumadda TPLF kula dhaqmayso dadweynaha Ogadenya siyaasadii uu waagaa kula dhaqmayay Mingisto X. Maryay shacabka Tigree. Maqaalka oo aad u dheer waxaa ka mid ah cutubyadan;
Iyagood moodo ciidankii qarniyadii dhexe (medieval army) ee duruufaysnaa ayay ku soo ururayeen xero beenaadka lagu magacaabo Dongordo. Waa meel carra guduudan leh oo aad u kulul oodan ku arkaynin hal caleen ah oo cagaaran. 7000 oo qof oo noocaa aan tilmaamay ah ayaa ku soo waaberiistay xerada iyagoo qaba dhark aad u duugoobay oo ah kuwa gacanta lagu sameeyo. Waxaa ka mid ahaa reera idil oo ka kooban awoow iyo ayeey iyo caruur ay qaarkood qaawan yihiin oo inyaroo dhoor ah loo reebay. Dadku waxay u aamusnaayeen si la yaab leh oo ku cabsi galinaysa.

Dadka soo dhoobtay xerada waxay ka yimaadeen labada tuulo ee Asbi iyo Habes oo saaran buurta qalalan ee Waqooyiga. Dadka qaar ayaa soo socday habeeno iyo maalmo iyagoo soo jaray 31 mile oo qarri ah say u soo gaaraan gubadka banaan ee Wukro oo ah dagmo ka tirsan gobolka Tigre. Mar kale ayay nacaladii abaarta ku dhacday Tigree, mar labaad ayay hadana dadkii gaajaysnaa soo laabteen say uga helaan raashin ay cunaan shaqaalaha samafalada. Qoysas is daba socda ayaa soo hor-istaagayay miiska si loo diiwangaliyo oo cunto loo siiyo. Qof kastoo la qoro wuxuu farta darsanayay khad huruud ah si loo hubsado inuusan mar kale ku soo noqon. “sanadkan ayay abaarta aad uga xuntahay sanadadii hore ee 1984 iyo 1985.” Waxaa sidaa yidhi odayga reerka Muboulle Osman oo ah nin dheer oo 50 jir ah oo wajigiisa ay murugo badan ka muuqato. “waxaan ku joognaa meeshan dad gaaraya 72,000 qof, mana haysano wax raashin ah, xataa daaqsin uma hayno xoolihii.” Intuu u jeedsaday meel ay yaalaan jawaano la’is dulsaaray oo qamandi iyo digir iyo raashin kale oo darbaal lagu daday ayuu yidhi; “Mucaawanadan la’anteed gaajaan u wada dhimanaynaa.”

Su’aashan ayuu isweydiiyay qoraha maqaalka;
Maxay tahay sababta ay laba sano ka dib mar kale u macaluushan yihiin dad gaaraya boqolaal kun ama malaayiin qof? Inkastoo ay khubarada reer galbeedka sabab uga dhigayaan roob la’aanta, hadana qaar badan ayaa arintan masuuliyadeeda dusha ka saaray madaxweynaha Itobiya Mengistu Haile Mariam oo siyaasada xukuumadiisa qalafsan ee shuuciga ay wax walba qarsoon yihiin ah oon wax dadaal ah iska saarin si loo baajiyo macaluushan. Ma aha oo kaliyah inay xukuumadda Addis Ababa meeshay ka quudin lahayd dadka gaajaysan ay ku mashquulsan tahay la dagaalanka kacdoonada jira ee waxay sii wadaa siyaasad loogu talagalay in lagu sii xoojiyo faqriga iyo gaajada kobtii laga raadin lahaa xal lagu yareeyo faqriga.

1984tii iyadoo boqolaal kun oo gaajo u dhimanayaan ayay xukuumadda Itobiya qiranin inay jirto abaar ba’an. Waxaaba ka sii daran in Mingistu oo ahaa Gaashanle (major) aad u jecel fakhfakhda in aad loogu cambaareeyay inuu ku bixiyay 100 milyan oo doolar sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegatay inqilaabkii lagu sameeyey Emperor Haile Selassie.
Waxaa sii adkeeyay in la gaarsiiyo raashinka dadka gaajaysan dakadaha oon qalabkoodu fiicnayn iyo jidadka oo liita amaba aan jirin iyo dayaarado ama baabuur loogu qaado raashinka miyiga oo aan la haynin. Arinta ugu daranse waa gadoodaka shacabka. Xukuumadda ayaa la dagaalamaysa ugu yaraan 23 koox oo hubaysan oo meel kasta oo dalka ka mid ah dagaal ka wada. Labada jabhad ee ugu xooga badan waxay joogaan Eretreeya iyo Tigree oo ah meelaha ay abaaraha ba’ani ku dhufteen. Eretreeya ayaa iyadu kacdoonka waday tan iyo markii ay Itobiya qabsatay 1962dii, waxaa iyadana uu dhaq-dhaqaaq ka bilowday gobolka Tigree 1977.

Abaarihii ugu dambeeyay waxay jabhadaha iyo haya’daha caalamiga ah wada dhigteen siyaasad ah nooolow anna aan noolaado ( policy of live and let live ). Ilowse Oktoobartii la soo dhaafay ayay dagaalyahanka Eritrean People’s Liberation Front (EPLF) weerareen 23 gaadhi oo ka baxay Asmara kuna sii jeeda Mekele. Hal darawal ayaa halkii ku dhintay, gawaadhidii oy saarnaayeen 674 tons oo raashin ah oo ku filaan lahaa 30,000 oo qof mudo bil ahna way gubeen. Waxay jabhadda EPLF ku eedeysay inay gawaadhida sideen saanad militari taasoo ay saraakiisha UN diideen. Laga bilaabo waqtigaa waxay weerareen EPLF-tu laba kaamboy oo gawqaadhida ciidanka Itobiya iyo qaar shacab ah isugu jiray oo sida la sheegay ay ku jiraan gawaadhi raashin ah.

Is-hortaagan ay jabhada kula dhaqaaqday ayaa gabi ahaanba joojiyay muddo bil ka badan hawlihii laga waday Eretreeya iyo Tigree. Labada jabhad ee Ertreeya iyo Tigree oo kali ah ma’aha kuwa handaday gawaadhida, ee haya’dihii iyagu u badheedha khatarta ayaan dhaqaajin karin gawaadhidooda sababtoo ah dawladda ayaa xirtay dhamaan wadooyinka. “hadday dhintaan dad farabadan sanadkan iyo midka xiga, sababta ma’aha abaarta ee waa siyaasdda iyo xaaladda militari” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha samafalka.

Kaamboyga ayaa iskood maalinamadii u socda dhanka Eretreeya, hasa ahaatee jabhadda TPLF ayaa go’doomisay gabi ahaanba gobolka Tigree oo sheegay in marka hore uu Mingisto joojiyo siyaasadiisa dibu-dajinta ah. Inkastoo ay dawladda sheeganayso in sababta dibu-dajinta ay tahay 1.5 milyan oo beeralay ah oo isku cidhiidhiyay saxaraha waqooyiga ..

Waa maqaal dheer oo xiisa leh.

Riix halkan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay