Barnaamijka Aragtida Halgamaaga ee Todobaadkan waxaan kaga jawaabaynaa su’aalo muhiim ah oo la weydiiyay JWXO. Su’aalaha halganka ku wajahan ee la weydiiyo ururka waxay kala leeyihiin ujeedooyin kala duwan. Su’aal isku mid ah oo laba jaho ka kala timid ayaa laba ujeedo oo kala duwan yeelan karta.

Hordhaca barnaamjika waxaan ku falanqaynaynaa Masaadirta (Source) Su’aalaha ku wajahan halganka oo ah laba qaybood. Koox ah –(Murjifuun)-tii uu Ilaahay Tilmaamay iyo Koox Halganka horumarkiisa jecel oo tiigsanaya guusha.

Hordhahacaa ka dib; su’aalaha caawa lagaga jawaabayo barnaamijka oo cinwaan u ah su’aala la xidhiidha isla mawduucaa oo siyaaba kala duwan loo dhahayo ayaa ah;

– ONLF Awoodeedii way yaraataye Xageed ka daadinaysaan?

– Waxa dagaalamaya waa inaga maxaa la xoraynayaa?  

Barnaamijka Aragtida Halgamaaga hadafkiisa 1aad waa in aan dadweynaheena la wadaagno Aragtida uu aaminsanyahay Halgamaaga JWXO, sidaa daraadeed su’aalaha ku wajahan Halganka iyo Halgamaaga waa lagama maarmaan in aan ugu jawaabno si saraaxad ah, anagoo la kaashanayna diinteena, taariikhda shucuubta iyo waaqica inugu xeeran.

La socda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay